Nuxurka Khudbad Bogaadin, Dhiirri-gelin iyo Hoga-tusaaleyn xambaarsan oo madaxweyne Biixi u jeediyey Shacabka Reer Oodweyne

soo dhaweynta muuse biixi oodweyne

 

Oodweyne (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal uu xaaladda dalka u kuur-galayo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo shacabka magaaladaasi si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa soo-dhaweyn kaddib xadhigga ka jaray dhismaha xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland faraciisa gobolka Daad-madheedh oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Oodweyne, waxaanu halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan oo madaxweynuhu kaga markhaati kacay taariikhda faca-weyn ee degmada Oodweyne ku leedahay dalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas  waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa,” sidas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka.

“Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Biixi ka jeediyey magaalada Oodweyne

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net