Nuxurka Heshiis Ka Cadhaysiiyey Reer Galbeedka oo dawladda Jabuuti la gashay Dalka Shiinaha

Djibouti_ChinaJabuuti (SLpost)- Dawladaha Jabuuti iyo Shiinaha, ayaa kala saxeexday heshiisyo kala duwan oo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin tayeynta iyo tabobaridda Ciidamada Jabuuti, saddex Dekedood oo China ka dhisayo dalkaas iyo dhismaha waddo isku-xidhi doonta Jabuuti iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Djibouti Xasan Daraar Hufane, ayaa sheegay in xidhiidh Millateri ay la yeelanayaan dawladda Shiinaha, ka dib kulamo xidhiidh ah oo Masuuliyiin ka tirsan labada waddan ay ku yeesheen magaalada Jabuuti.

“In badan ayaan u mahad-celinaynaa dawladda Shiinaha waqtiyada adag ee ay nala soo qaateen,waxey naga caawin doonaan kor- u qaadidda mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgalinayo  “ayuu yidhi Hufane oo ka hadlayay xiriirka labada dowladood.

Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Chang Wanquan ayaa booqasho qaadatay laba maalmood ku joogay dalka Jabuuti, waxaanay kulamo gaar-gaar ah wada qaateen Madaxda dawladda ugu sarreysa oo uu ku jiro  Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

“Dawladdayadu diyaar  ayey u tahay inaan Jabuuti ka taageerno tayaynta dhinaca Milatariga iyo waliba Ammaanka,” sidaa ayuu isna yidhi Chang oo la hadlay Warbaahinta ka dib booqashadiisa, isaga oo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota-dheer.

Heshiisyo ay labada dhinac si hor-dhac ah u gaadheen, ayaa waxaa ku jirta in Maraakiibta dawladda Shiinuhu ay adeegsan karaan Dekadaha dalka Jabuuti, iyaga oo fududaynaya tababarro gaar ah oo  ay siinayaan Ciidamada Millateriga Jabuuti.

Sidoo kale, dawladda Shiinaha ayaa saddex Dekadood ka dhisaysa dalka Jabuuti iyo waddo dheer oo isku xidhi doonta Jabuuti iyo waddamada deriska la ah gaar ahaan Itoobiya si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee dalkaasi la leeyahya dalalka gobolka Geeska Afrika.

Waddamada Maraykanka iyo Faransiiska oo saldhigyo Milatari ku leh Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka xumaaday heshiiska ay Dawladda Jabuuti la saxeexay dalweynaha Shiinaha oo ah waddanka Labaad ee ugu dhaqaale badan Adduunka, kaas oo dalalka Reer Galbeedku ku cadaadiyaan Horumarka dhinaca Farsamada Casriga iyo Dhaqaale ee uu sida Xawliga ah ku socda.

SOMALILANDPOST.NET