Nuxurka Heshiis Ay Midawga Afrika Iyo Dawladda Jabuuti Ku Kala Saxeexdeen Addis Ababa

Addis Ababa, (SLpost)- Midawga Afrika iyo dawladda jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis is-faham ah, kaasoo saamaxaya in guuto labaad oo ciidamada dalka Jabuuti ah oo tiradooda lagu qiyaasay 900 oo askari la geeyo dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan hawl-galka nabad sugida ee AMISOM.AU and Djibouti

Heshiiskan oo dhacay xarunta midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa waxa labada dhinac u kala saxeexay sarkaal sare oo ka socday midawga Afrika laguna magacaabo Amb. Smail Chergui iyo danjiraha Jabuuti u fadhiya Itoobiya Amb. Maxamed Idiris Faarax.

Munaasibadan loo qabtay heshiiska lagu kala saxeexday caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa ka hadlay sarkaal sare oo ka socda midawga Afrika, isla markaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dawladda iyo shacbiga Jabuuti ay dedaal ugu jiraan in lasoo afjaro dagaallada ka socda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in taageerida dalka Jabuuti uu siinayo walaalahooda Soomaaliya ay tahay mid muhiim u ah midawga Afrika, waxaanu talaabadaas ku tilmaamay mid geesinimo.

Danjiraha dalka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Ambassador Maxamed Idiris Faarax ayaa sheegay in caawinta milateri ee ay siinayaan dalka Soomaaliya ay waajib tahay, waxaanu xusay in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay mandaqada geeska Afrika, waxaanu intaas inay sii wadi doonaan gacan siinta Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ka mid hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM, waxaanu heshiiskan cusubi saamaxayaa in hormo labaad oo ciidamo ah oo ka socda dalka Jabuuti ay ka mid noqdaan hawl-galka AMISOM.

Somalilandpost.net