Nuxurka Go’aamo Shan Qodob ka kooban oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeya (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo maalin kasta oo Khamiis ah ku qabsooma Xarunta Madax-tooyada, ayaa maanta laga soo saaray go’aamo ka kooban shan qodob oo dhammaantood layskula qaatay in la fuliyo, una hoggaansamaan dhammaan masuulyiinta laamaha dowladda ee ay qusayso.

Shirka maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, waxaanu war-saxaafadeedka oo dhameystiran u dhignaa sidan:-

FB_IMG_1513426891353“Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya.

Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.

Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.

1.      In guddida nabad galyadu soo sameeyaan qorshe sal-ballaadhan oo lagu dhamaystirayo talooyinka ay soo jeediyeen, si loo xakameeyo dagaallada soo noqnoda ee beelaha

2.      In hablaha Somaliland ay mudan yihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, sidaa awgeedna in mas’uuliyiinta wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu ay hablaha fursad u siiyaan shaqo kasta oo ay qaban karaan.

3.      In hay’adda shaqaalaha dawladdu marka ay qaadayso imtixaanka shaqada lagu galayo ay hablaha u samayso nidaam gaar ah oo u sahlaya inay qayb ka noqdaan shaqaalaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo sharciga shaqaalaha dawladda

4.      In beelaha Gabooye ay xaq u leeyihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka heerkastaba, sidaa awgeed waxa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan la farayaa inay ka qaybgeliyaan shaqada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo-ba.

5.      Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay inay waajib tahay in la hirgaliyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, si loo xoojiyo nidaamka dawladnimada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweyaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.