Nuxurka Go’aamo laga Soo saaray Shir Beesha Galbeedka Buuhoodle uga Socday Degmada Qorulugad

Qorulugud (SLpost)- Shirweyne Loogu Magac Daray Samatalis oo mudo Todobaad aha Uga Socaday Beelasha deegaanka Qori-lugud ayaa Maanta Si Rasmiya Loo Soo Gabagabeeyay islamrakaana laga soo saaray go’aamo cad cad oo la xidhiidha nabadaynta iyo isu soo dhawaanshalaha Beelaha Buuhoodle iyo Qorulugud oo shaqaaqooyin gacan ka hadal ahi dhex martay.

Waxaa Gabagabaynta iyo ku dhawaaqista Go’aamada Shirkani oo ay ka qayb qaadanayeen in ka badan 200 ergay iyagu ka soo jeeda Deegaanka Qori lugud isla markaana isla qaatay go’aamadaasi nabada lagaga dhalinayo deegaamadaasi.

Dadkii Maanta Sjirkani sida weyn uga Dhexmuuqday kana soo jeediyay hadalada kala gedisan ee gundhigooda aha baaqa nabadeed waxaa ka mid ahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldan C/Laahi Suldaan Cali Muuse,Suldaan Maxamuud Guuleed,Boqor Cali Carab ,Salaadiin Cuqaal iyo Siyaasiyiin iyo Waxgarad kale oo tira Badan.

Go’aamada Rasmiga ah ee Shirkani kas oo baxay oo dhamaa 5 qodob ayaa kala ahaa:-

1-In Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland ay tahay Lama Taabtaan.

2-In Beeshu Si Buuxda U Taageersantahay Xukuumada Somaliland.

3-In Beeshu ay baaq nabadeed U jeedinaso beelaha ay oodwadaagta iyo walaalaha yihiin ee reer Buuhoodle.

4-In Beeshu Laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 06.12.2012 ay nabadgalyo buuxda siinayso naf iyo maalba Beesha ay dhibaatadu ka dhexdhacday ee reer Buuhoodle.

5- Beeshu Waxay Xaqiiqsatay in Deegaamada Beesha uu Dib u dhacweyni Ka Soo Gaadhay saamaynta ay ku yeelatay colaadu sidaas awgeedna ay ugu baaqayso Xukuumada iyo hayadaha samafalkaba in Gurmad laga sameeyo deegaanada Qorulugud amaba galbeedka Buuhoodle.

SLpost News/Desk