Nuxurka ay Xambaarsan yihiin Qoraallo ay is-dhaafsadeen Wasiir Waran-cadde iyo Guddoomiyaha WADDANI

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa markale hor istaagtay isu-soo bax uu ku baaqay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isagoo wasaaradda ku wargeliyay isu-soo baxaas oo ay sheegeen masuuliyiinta xisbigaasi inay kaga soo horjeedaan muddo-kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiillada, maalintii shalay.

Qoraal uu soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas oo ay u gudbiyeen wasaaradda daakhiliga ayaa u qornaa sidan:-

“Anaga oo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee u ogolaanaya muwaadiniintu inay sameeyaan isu-soo bax salmiya, kaasoo aanu ku cabirayno mawqifyaga iyo diidamada xisbiga WADDANI kaga soo horjeedo muddo-kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee kasoo baxay guddida doorashooyinka qaranka.

Sidaa darteed xisbiga WADDANI isaga oo ka duulaya dastuurka qaranka qodobkiisa 32-aad, faqradiisa 2-aad iyo 3-aad ee u ogolaanaya inay samayn karaan isu-s00 bax salmiya, waxaanu wasaaradda arrimaha gudaha ku wargelinaynaa inaanu samaynayno banana-bax ka dhici doona dhamaan gobollada jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaad ka gudan doontaa waajibaadkiina oo ah ilaalinta isu-soo baxayaasha iyo nabadgelyadooda.”

Dhinaca wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal diidmo kaga jawaabtay codsiga xisbiga WADDANI, isla markaana ku hortaagtay dalabkooda, waxaanay wasaaraddu qoraalkeeda diidamada ah ku sababaysay in waqtigan loo diyaar garoobayo xuska sannad guurada 24-aad ee maalinta qaranimada Somaliland.

Sidoo kale waxa warqadda oo uu ku saxaaxan yahay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cade lagu sheegay inaanay xisbiga WADDANI qoraalkooda ku caddeyn inay damaanad qaadayaan wixii ka yimaada ee dhibaato isu-soo baxa ay dalbadeen.

Qoraalka wasaaradduna waxa uu u qornaa sidan:-Diidmada wasaaradda daakhiliga

UJEEDO:- WAGELIN

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12thMay2015.

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani eek u taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmi ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda.

Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan:

  1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga
  2. Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may.
  3. Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka.
  4. Iyada oo aanay xisbiga Wadani  qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada .

Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.

Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka”Ayaa lagu sheegay warqada diidmada ah ee ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha Somaliland.

Dalabka xisbiga WADDANI ayaa noqonaya kii labaad ee ay todobaadkan ku codsadaan inay dhigaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan muddo kordhinta sannadka iyo tobanka billood ee ay shalay u sameeyeen guurtidu xukuumadda iyo golaha wakiillada.

Somalilandpost.net