“November cidda soo jeedisay waa WADDANI, waa nasiib-darro inuu saxeexii ka baxay, Mudaharaadkana kulama socono” UCID

?????????????

Hargeysa, (Slpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay mawqifkooda muddo kordhinta xukuumadda, go’aankii ay shalay guurtida u wada u gudbiyeen iyo wacad-furkii xisbiga WADDANI.

?????????????
?????????????

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbigaas Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskooda ayaa si wada-jir ah u sheegay inaanay xisbiga WADDANI oo ku baaqay mudaharaad aanay ku raacsanayn. Sidoo kalena waxay tilmaameen inay go’aankii ay KULMIYE u wada gudbiyeen guurtida ay ka filayaan inay ku raacdo.

Ugu horeyn Faysal Cali oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi. “Salaasaddii hore ayaanu isku nimi anagoo saddexda xisbi ah, waxaananu is-nidhi yaynaan guurtida u garbo-duubnaane aynu ka hortagno oo waxaa la yidhi kaadi badane waa loo badiyaaye aynu inagu dhexdeena heshiis ka gaadhno, waxay yidhaahdeen qolada Kulmiye laba sanno iyo afar bilood, waxaanu nidhi taasi socon maysee anagu UCID ahaan laba bilood ayaanu soo jeedinaynaa, haddana Kulmiye waxay yidhaahdeen December, WADDANI-na wuxuu yidhi anagu 1-da November ayaanu soo jeedinaynaa, waxaananu nidhi haddaba meel dhexe hala isugu yimaado December waa ciiddii masiixiga oo beesha caalamku inoo iman maayaan, markaa 15-ka November ayaanu ku heshiinay, markaa guurtida horteeda marayno ee aanu doonayno inaanu ka khudbadayno oo aanu ku saxeexno ayaanu Cabdiraxmaan Cirro waynay. Haddaba halkaa aanu u gudbinay guurtida ee WADDANI ka biyo diiday oo la filayo inay bari go’aan ka gaadhaan, haddii wax ka badan ay ku daraan anagu waxaanu ku noqonaynaa halkii hore ee komishanku cayimay.”

Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa isaguna ka warbixiyay go’aankii ay saddexda xisbi wada gaadheen ee WADDANI kaga baxay iyo hanaankii uu ku yimi.

Sidoo kale waxa uu Cali Gurey tilmaamay inaanay xisbiga WADDANI kula socon mudaharaad lagaga soo horjeedo muddo kordhinta oo uu ku baaqay, waxaanu yidhi. “Waxaanu isla garanay oo aanu nidhi haddii ay nimankani wax kordhinayaan waa inaanu wax caalamka iyo taageeradii dunida aan saamayn oo go’aankaa labada sanno iyo afarta bilood ah maka hortagi karnaa? ama sax ha noqoto ama qalade saddexda xisbi way ku heshiiyeen arrintaas, weliba bisha November cidda soo jeedisay waa xisbiga WADDANI, nasiib-darro markii la saxeexayay waa la waayay guddoomiyihii, mana aha markii ugu horeysay ee uu Faysal khiyaameeyo, mudaharaadkay ku baaqayaana lama qabn.”

Somalilandpost.net