“Ninkaas la yidhaahdo Cali Khaliif waa mid umadda ku ah kansal” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

Hargyesa(SLpost)-Xildhibaan Saleebana Cali Koore ayaa ku tilmaamay Cali Khaliif Galaydh Kanasal dhibtaato ku haya gobalada bariga Somaliland oo hortaagan in talaabo horumar ah laga fuliyo deegaanadaas.

Waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan in gobaladaas laga xoreeyo dadka dhibaatada ku haya, waxaanu sidan ka sheegay mar uu warfidiyeenada kula hadlaayay magaalada Hargyesa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Mar kasta oo la damco in dalka la horumariyaba waxa imanaya dad carqaladaynaaya, wakhtigan waxaanu haynay diyaargarawgeedii in gobalada bari maamul ahaan la daadajiyo oo is diiwaangalintii la qabto oo dadku ay codeeyaan oo laysku soo dhawaado, oo deeganadaas horumar loo bilaabo iyada oo hada horudhicii horumarkaasna la bilaabay, haday tahay cisbitaalka weyn ee Laasacaanood oo lacag badan ay ku baxayso, dugsiyada iyo haday noqonayso biyo nadiif ah oo dadku helaan. waxa had iyo jeer carqalad ku noqota arimahaas nin diyaarad saaran oo marar badan aanu halkan ka siinay talo iyo tusaale, ninkaas la yidhaahdo Cali Khaliif waa mid umadda ku ah kansal, dhibaatooyinkii uu dalka ka dhigay ayaa yaala oo kuwii uu Taleex ka dhigay ayaa yaala, kuwuu Buuhoodle ka dhigay ayaa yaala, daganaansho la’aantii uu sameeyay ayaa taala maalin kastana diyaarad ayuu u soo fuulayaa, umadda Somaliland oo dhan waxaanu ka codsanaynaa iyada oo isku duuban inay arintaas wax ka qabato.”

Xildhibaan Saleebaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”hadaanu nahay siyaasiyiinta deegaankaas ka soo jeedana anagu aanu ka noqono hormuud si gobalada barigu ay ula jaan qaadaan dalka, waanu ku baraarujinaynaa haayadaha dastuuriga ah ee arintaasi qusayso ee xukuumadduna ay ugu horayso in talaabo laga qaado cid kasta oo carqaladayn ku samaynaysa nabadgalyada iyo horumarka gobalada bari, taas oo wakhti dheer qaadatay wakhtigana aan doonayno in la so afjaro.”