“Ninka Yidhi Hargeysa Biyo Wada Cabi Mayso, Bari Hadduu Madaxweyne Noqdo Muxuu Innagu Samayn..?” Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid

 

 

Hargeysa(SLpost)-Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin Oo shalay shir jaraa”id ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu u Quus gooyey Musharax Maxamed Biixi Yoonis ahna Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland. Sidoo kalena fariin hoga tusaalayn iyo talo ahna u diray Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan, uguna baaqay inuu dhex u ahaado raga u tartamaya jagada Madaxweynanimo ee uu Suldaanka uwada yahay oo aanu cid gaar ah dhinaca saarin.

Suldaanku waxa uu shirkan jaraa’id si ba,an ugu weeraray Wasiirka A. Dibada,  kuna tilmaamay Musharaxnimadiisa mid madhan oo uu ku hungoobay hankiisa musharaxnimo, wax taageero iyo cod ah oo u yaala Beesha Degta Bariga Hargeysana aanay jirin. Waxaanu Suldaanku ku eedeeyay Wasiir Biixi inuu yahay ninka isagoo Wasiirka Arimaha Dibada ah is hortaagay Mashruucii Biyo galinta Xubo-weyne ee ku taliyay inaanay biyo cabin Degmooyinka Gacanlibaax, Maxamuud haybe iyo Axmed dhagax, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ninka yidhi Hargeysi Biyo wada cabi mayso ee beelaha sidaa u kala qob qobay hadaad madaxweyne noqdo maxaad ku samayn”.

Waxa kale oo uu Suldaan Saxardiid ka dhawaajiyay inaanay wax taageero ah oo ay u hayaan aanu jirin Musharaxnimada Maxamed Biixi Yonis “Waxaa ku leeyahay musharaxnimada aad maanta ku qooqday ma aamin sanin kumana taageersanin, haday yihiin kuwa aanu isku haybta nahay ee Golaha Dhexe kulmiye ku jira ee taageersan Maxamed B. Yoonis anaga nama matalaan, codka yagana ma mataal, codna naga heli maysid” isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wasiir adigoo Wasiira ayaa ficilkaagii iyo talaabadaadii la arkay hadaad maanta M/weyne noqoto waxaabad odhan lahayd dee Hargeysi hakala sareyso oo First Citizen iyo Second Citizen ha noqoto’. Sidoo kale waxa Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid shaaca ka qaaday in musharaxa rasmiga ah ee Kulmiye yahay Madaxweynaha JSL, sidaas darteedna ay iska daalayaan raga badan ku hirdamaya Musharaxnimada Madaxweyne ee Xibsbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Hadii kulmiye ay cidi Musharax ka noqonayso waa la yaqaan Musharax rasmiga ah waa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ninkastawna candhuuftaada dib u liq”.

Dhinaca kale waxa Suldaan Cabadiraxiin Saxardiid Kaahin ka hadlay taageero dhinac ka raran cadaaladana ka fog oo Suldaanka Guud ee S. Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi si qaawan ugu taageeray Musharaxnimada Wasiir Maxamed B. Yonis, taas oo uu ku tilmaamay mid eexasho iyo qabyaalada ku fadhida, iyada oo aynu ognahay inuu jiro Musharax Jamal Cali Xuseen, oo ka soo jeeda Beesha uu  Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaanka u yahay, waxaan hadalkiisii ka mid ahaa “Hadii Suldaan Xasanoow beesha Subeer Awal ay cidi u tahay Musharax Madaxweyne hore wuu u jiray waan Jamaal Cali Xusseen, ninka maanta Habar Awal musharax u ah anaguna waanu u aqoonsanahay musharaxnimadiisa kolkaa Suldaan waxaan ku leeyahay dee inamada Suldaan baad u wada tahay oo Suldaankii Guud ee S. Awalbaad tahee haw kala eexane Musharaxa S. awal waa la yaqaanaaye Jamal Cali Xuseen taageer baan ku idhi intaasi waxay iga tahay talo Suldaan”.

Ugu danbayntiina waxa uu Suldaan saxardiid faraiin adag marlabaad u diray Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu yidhi hadii “Wasiir Biixi haduu ku taliyay inaanay Hargeysi Biyo Wada cabin aniguna waxaan ku taliyay wax taageero iyo cod ah oo aanu ku siinaynaa haba yaraatee ma jirtro, anigoo ku hadlaya magac Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa waxaan ku leeyahay Wasiir Biixiyoow waxba xagayaga hasoo jaleecin ku tala gal, shacabka reer Somalilandna waxaan ugu baaqayaa Nabadgalyadiina ilaashada sawaxan badanbaa dalka ka jira xejista nabadiina dawlada kala shaqeeya adkaynta nabadgalyada”