Ninka ugu maal-qabeensan Dunida oo Shirkadda Telesom ku ammaanay Adeeggeeda Xawilaadda iyo Keydinta Lacagaha ee Zaad Services

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyhii hore ee Shirkadda samaysa Barnaamijyada Computerr-ada ee Microsoft, Bill Gates, ayaa shirkadda Is-gaadhsiinta ee TELESOM ku ammaanay adeeggeeda Zaad oo ah adeeg dadku u isticmaalaan Keydka iyo xawiladda Lacagaha oo markii u horeysay shirkaddu ka hirgeliyey Somaliland bishii October, 2009-kii.

Ninka ugu maal-qabeensan Dunida oo Shirkadda Telesom ku ammaanay Adeeggeeda Xawilaadda iyo Keydinta Lacagaha ee Zaad ServicesBill Gates oo wakhtigan ah Guddoomiyaha Mu’asasadda Bill & Melinda Gates Foundation isla markaana ah ninka ugu maal-qabeensan Adduunka, waxa uu arrintan kaga hadlay shir lagu faaqiday Maaliyadda iyo Dhaqaalaha oo 2-dii bishan ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka. Waxaanu khudbaddiisa kaga hadlay doorka Mu’asasaddiisu ka geysan karto taageerada dadka Baahan iyo doorka Farsamooyinka Casriga ah ee lagu isticmaalo Adeegyada maaliyadeed uu ka geysan karo dhaqaalaha waddamada dunida Saddexaad.

Bill Gates waxa uu si qoto-dheer uga hadlay Kaalinta Nidaamka Telefoonadda lacagaha loogu keydsado, laysuna xawilo ee Mobile Banking & Transfer Service uu ka geysto dhaqaalaha waddamada Dunida Saddexaad, isaga oo si gaar ah u soo qaatay Adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom oo uu sheegay inuu yahay adeegga ugu isticmaalka badan waddamada adduunka ee Nidaamkani ka jiro.

Bill Gates oo tixraacayey warbixin sannadkii hore laga diyaariyey waddamada uu adeegga Mobile Banking-ku ka jiro, waxa uu sheegay in adeegga Zaad uu kaalin muhiim ah ka qaatay koboca dhaqaalaha dalka.

Halkan ka Akhriso natiijada cilmi-baadhis Sannadkii hore laga sameeyey sida ay dadku ugu kala isticmaal badan yihiin waddamada adeeggani ka jiro.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA BILL GATES

SOMALILANDPOST.NET