Ninka Maanta Siilaanyo Isku Daya In Uu Wax U Sheego,Waa Fannaan Nin Dhego La’ U Heesaya

Isbedelkii Dalka Ka Dhacay U Jeedadiisu Ma Ahayn In Rayaale Talada Laga Tuuro Siilaanyona La Saaro,Laakiin Mabada’u Wuu Iska Cadaa Wuxuuna Lahaa  Himilooyin Aas Aas  U Ah Oo Uu Ku Qotomay,Umadduna Waxay U Jeelanayd Baahi Weyna U Qabtay,Hogaamiye Daacad Ah Oo Ilaaliya Xuquuqdooda Muwaadinimo Caddaalad Iyo Sinnaanna Dalka Ku Haga.
Waxaana Xukuumaddii Rayaale Lagu Cambaarayn Jiray Musuqmaasuq,Eex Iyo Maamul Fadhiid Ah Taasina Waxay Soo Dedejisay In Aqoonyahankii,Odayaashii Dhaqanka,Iyo Qaybihii Kale Ee Bulshadu Ku Fekeraan In La Bedelo  Xukuumadaas Si Loo Toosiyo Maamulkii Dalka Ee Qalloocday
Musuqmaasuq Oo Ah Cudur Daashaday Qaaradan Aynu Ka Tirsanahay Ee Africana,Dabar Gooya,Si Loo Gaadho Yoolka Iyo Tubta Horumarineed Ee Ay Bulshadu Tebaysay.
Isbedelkaas Ay Gundhiga U Ahaayeen Arrimaha Aynu Soo Sheegnay,Shacabkuna Ay Ku Door Bideen In Xisbiga Kulmiye Dhaami Doono,Xukuumaddii Rayaale Ee Fadhiidka Ahayd,Maanta Waxaad Moodaa In Uu Xaalku Isugu Soo Biyo Shubtay Murtida Soomaaliyeed Ee Tidhaahda Kud Ka Guur Oo Qanjo U Guur,Waxaanu Dalku Maanta Gacanta U Galay Oo Majaraha U Qabtay Koox Dhalinyaro Ah Oo Isu Gaashaan Buuraystay In Ay Awoodda Si Dadban Uga Faa’iidaystaan Iyagoo Leh Qaab Keligii Talisnimo,Khibrad Iyo Aqoon Dheerna Aan U Lahayn Hawsha Baaxadaas Leh Ee Ay Daaha Dabadiisa Ka Maamulayaan Iyo Masiirka Umaddeed Ay Garbaha Sifaha Khaldan Ugu Sitaan Iyaga Oo Aan Cidi U Dooran.
Wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo Ka Xuub Siibtay Balanqaadyadii Tirada Badnaa Ee Uu Shacabka U Sheegi Jiray Markuu Mucaaridka Ahaa,Waxaanay Wax Waliba Faryo Bidix Ka Baxeen Markii Uu Kursiga Ku Fadhiistay,Taas Oo U Dhiganta Rahii Daynta Qaatay Ee Iyada Oo Abaar Ah Markii La Weydiiyey Yidhi Isuga Intuu Roobka Ka Da’ayo,Markii Roobkii Da’ayna Yidhi Wakhtigan Ma Miyir Qabo.
Habacsanaanta Iyo Maamul Xumida Soo Foodsaaratay Xukuumadda Siilaanyo Ayaa Ah Wax Kala Riixasho Iyo Tix Geli La’aan,Nin Walibana Wuxuu U Xusul Duubayaa Siduu U Ilaashan Lahaa Mansabkiisa Odaygana Ugu Dhowaan Lahaa,Wada Shaqaynta Dhexdooduna Caga Adag Kuma Taagna,Waxaana Had Iyo Jeer Dhexyaal Cunfi Iyo Colaad Aan Dhammaad Lahayn,Waana Sababta Marar Badan Khilaafkoodu Uu Dibadda Ugu Soo Baxay.Haddii Laba Maroodi Diriraan Waxa Dhexdooda Ku Baaba’a Cawska,Waxa Meesha Ka Baxday Dantii Guud Sidii Looga Wada Shaqayn Lahaa Tanina Waxay Hantaaqo Iyo Dhabar Jab Ku Tahay Codkii Shacabku Ku Doonayeen In Ay Arkaan Codkoodii Oo Midho Dhal Ah.
Madaxweynuhu Wuxuu Balan Qaaday In Uu Soo Dhisi Doono Xukuumad Tiro Yar Oo Tayo Leh,Taasina Waxay Noqotay Mid Aanu Oofin Oo Siduu U Sheegi Jiray Aan U Hirgeli,Hadaad Milicsato Waxaad Arkaysaa In Ay Isle’eg Yihiin Tirada La Taliyeyaashiisa Oo Ku Jira Booskii Ay Wasiiru Dawlayaashu Kaga Jireen Xukuumadii Ka Horeysay Iyo Tirada Wasiiradiisu.
Haddii Shalay Markii Uu Mucaaridka Ahaa Uu Siilaanyo Ahaa Nin Dhegaha U Raariciya Talada Odayaasha,Aqoon Yahanka,Culimaa’udiinka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Soona Dhoweysta,Maanta Waa Aar Shaash Leh Oo Talo Iska Daaye Aan Minankiisa 1km Loo Soo Dhaafi Karin.
Odhaah Soomaaliyeed Oo Fac Weyn Oo Isticmaali Jireen Dadkii Hore Ee Reer Guuraaga Ahaa Ayaa Tidhaahda,Dibiga Doolood Dhegihiisu Samaha Way Maqlaan Laakiin Indhihiisu Ma Arkaan,Shacabka Soomaaliland Dhegohoodu Way Maqli Jireen Balanqaadyadii Iyo Hadaladii Quruxda Badnaa Ee Siilaanyo Laakiin Indhohoodu Ma Hayaan Horumarkii La Doonayey Inuu Dalka Ka Curto,Waxaanay U Muuqataa Talada Xukuumadda Siilaanyo Ee Gebi Dhaclaynaysaa Gacan Uur Ku Jirta.
Hooyo Soomaaliyeed Baa Wiilkeedii Sidii Ay Ka Rabatay U Noqon Waayey,Waxaanay Aragtay Inankeedii Oo Aan Diyaar U Ahayn In Uu La Jaanqaado Dhalinyarada Asaagiisa Ah Kana Hooseeya,Dabadeedna Waxay Gocatay Rafaadkii Iyo Dhibaatadii Kala Duwanayd Ee Ay La Soo Martay,Haday Noqoto Markii Ay Uurka Ku Siday Iyo Barbaarintiisii Intaba,Waxaanay Geerarkan Uurku Taalada Xambaarsan Oo Aynu Tuducyo Ka Mid Ah Soo Qaadanayno U Marisay Kuna Hoga Tusaalaysay Wiilkeeda Oo Ay Rabtay Inuu Siduu Ku Jiro Dhaamo,Waxaanay Tidhi;
Hooyo Waan Kuu Hanweynaa,Kaase Hadhay
Haddaan Moodi Inaad Hoorri Liita Noqon
Markay Dermadu Hufnayd Maba Haraadeen
Oo Hurdada Kama Kaceen
Waxa Laamaha Dawlada Gilgilay Musuqmaasuq Goradda Iskula Jira Oo Ragaadiyey Habsami U Socodkii Hawlaha Qaranku Tiigsanayey,Waxaana Gebi Ahaan Inuu Curyaamo Ku Dhoow Ilihii Dhaqaalaha Ee Dalku Lahaa,Waxaana Wasaarad Kasta Laga Soo Calaamadinayaa Kor U Kaca Musuq Maasuq Ee Ay Ku Talaabsatay Mudadii Ay Xilka Haysay,Oo La Odhan Karo Wasaaradaha Qaar Ayaa Hoy U Noqday Boobka Hantida Umadda.
Haddii Madaxweynaha Lala Soo Qaado Musuqa Rubadda Jaray Xukuumaddiisa Wuxuu Galaa Difaac,Wuxuuna Bari Yeelaa Masuuliyiinta Lala Xidhiidhiyo In Ay Faraha Kula Jiraan Ku Tagri Falka Hantida Dadweynaha Ka Dhexaysa,Waxaanay Tanina Waran Tumaati Ah Ku Tahay Yididiiladii Ay Bulshada Somaliland Ka Qabeen Xukuumada Siilaanyo.
Dalku Maanta Wuxuu Qarka U Saaran Yahay In Uu U Kala Jajabo Maamul Goboleedyo,Taasna Waxaa Daliil Cad U Ah Colaada Ay Hurinayso Kooxda Nabaddiidka Ah Ee Ssc Oo Olole Xooggan Ugu Jira Sidii Gobolka Sool Somaliland Inteeda Kala Looga Saari Lahaa Iyo Kooxda Kale Ee Wada Shirqoolka Ka Dhanka Ah Somaliland Dibadaha Kaga Maxafsada Waxay U Yaqaanaan Awdal State Oo La Doonayo In Lagu Curyaamiyo Awoodda Iyo Midnimada Bulshada Somaliland,Beernugaylka Xukuumadda Maanta Jirta Ayaa Keentay In Ay Gobolka Ku Xididaystaan Maleeshiyadaasi,Taasi Oo Tahli Weyday In Ay Gacan Bir Ah Wax Kaga Qabato,In Kasta Oo Ay Dhawr Jeer Isku Dayday In Xaaladda Dejiso Waanwaan Iyo Wada Hadalna Lagasho Maleeshiyadaas Gogol Nabadeedna Ay U Fidisay Dedaaladaas Oo Dhami May Noqon Qaar Guulaysta Oo Wax Natiijo Ah Laga Gaadho.
Ciidamada Ku Sugan Deegaanka Buuhoodle Ee Shaqaaqada Iyo Xiisada Colaadeed Ka Taagan Tahay Ayaa La Kulma Weeraro Gaadmo Ah Oo Ay La Beegsadaan Maleeshiyada Ssc Oo Taageero Maaliyadeed Iyo Mid Milateriba Ka Helaysa Maamuleed Goboleed Puntland,Waxaana Marar Badan Weeraradaas Ku Dhinta Tiro Badan Oo Ka Mid Ah Ciidamadeena Qaranka,Haddii Ay Ciidanka Qaranku Isku Dayaan In Ay Tallaaabo Fal Celin Ah Qaadaana Waxa Ka Hor Is Taaga Rag Aan Mabda’ Iyo Meel U Joog Midna Aan Lahayn Somalilandnimaduna Ay Ku Yar Tahay,Madaxweynuhuna Marka Ciidanka Duulaan Lagu Soo Qaado Qaaciidada Keliya Ee Uu Adeegsadaa Waxay Tahay Inuu Hadba Janan Xilka Ka Qaado,Arrinkanina Wuxuu Inta Badan Jaah Wareer Ku Keenaa Ciidamada Jiidda Hore Jooga Oo Haatan U Muuqda Qaar Ay Ka Soo Dhammaatay Kalsoonidii Iyo Niyadsamaantii Ay U Hayeen Difaaca Dalkooda Hooyo.
Togba Taagtii Ayuu Rogmadaaye Xukuumadda Siilaanyo Gadhwadeenka Ka Yahay Waa Mid Taag Yaraan Iyo Talo La’aan Isku Darsatay,Gobolada Bariga Somaliland Oo Iyagu Aan Helin Horumarkii Ay Hidinayeen Xukuumadihii Kala Dambeeyey Ee Dalka Soo Maray, Ayna Ugu Horeeyaan Baahiyaha Aasaasiga Ee Lama Huraanka U Ah Nolasha Bini Aadamka Sida Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada,Wadooyinka Oo Xattaa Qaarkood Isu Socodkoodu Aanu Hagaagsanay Wado Xumo Daraadeed,Xidhiidhkii Ganacsi Ee Goboladaas Dhex Mari Lahaana Wuxuu Noqday Mid Bar Kuma Taal Ah,Kaas Oo Kaabeyaasha Dhaqaale  Ee Gobolaas Kor U Qaadi Lahaa,Waxaana Gobolada Qaar Ka Shaqaysa Lacagtii Somaliyadii Hore Una Baahan In Laga Bedelo Oo Lacagta Inoo Gaarka Ahi Ay Ka Shaqeyso
Mar Uu Madaxweynuhu Goleyaasha Sharci Dejinta Siinayey Warbixintiisii Sannadlaha Ahayd,Wuxuu Shaaca Ka Qaaday In Qorsheyaashii Wax Qabad Ee Talada Ugu Jiray Xukuumadda In Ay 90% Ay  Hirgaleen Iyada Oo Ay Jiraan Xaaladahaas Baahsan Ee Dalku Uu Maanta Ku Sugan Yahay Oo Haddii Tiisa Loo Raaco Noqonaysa Nabar Hoosta Ka Buka Oo Dusha Aayar Laga Dhayayo Iyadoo Xaqiiqda Iyo Halka Eelku Jirona Aan Hoos Loogu Dhaadhacayn.
Bulshada Ku Dhaqan Gobolada Ka Gedisan Ee Dalku Ka Kooban Yahay Ayaa Hadalkan Madaxweynaha U Fasirtay In Uu U Muuqdo Nin Libaax Findhicil Ka Guraya Iyo Hadal Aan Xaqiiqda Salka Ku Hayn Oo Ka Bad Badin Ah,Soomaalida Ayaa Hore Ugu Maahmaahday Awr Xamuulkii Wuu Qaadaa Laakiin Xadhig Qallooca Ma Qaado.
Sideedba Marka Laba Maamul Isbedelaan Waxa Lama Huraan In Maamulka Cusbi Uu Ka Faa’iidayso Khaladaadka Uu Kii Ka Horeeyey Galay,Ayna Tusaale Dhaxal Gal Ah U Noqoto Inuu Buuxiyo Galdaloolooyinka Jira Balse Marnaba Ma Fiicna In Uu Wadadii Hore Ee Dib U Dhaca Keentay Uu Qaado.
Waxaase La Filan Karaa In Goboladaas Dadweynaha Ku Dhaqani Ay Noqon Doonaan Garbaha Uu Ka Duulo Daruuraha Isbedeldoon Ee Dul Hooganaya,Xukuumada Ay Kalsoonidii Shacabku Faraheeda Ka Sii Baxayso Ayna Kulaalayaan Caqabadaha Is Barkan Ee Wax Ka Qabashadooda Ay Ku Guul Daraysteen Masuuliyiinya Xukuumadda Oo U Badan Qaar Ku Sifoobay Xilgudasho La’aan Eex Iyo Qaraaba Kiil.
Dad Badan Oo Siyaasadda Dalka U Dhuun Daloola Ayaa Walaac Ka Muujiyey Hannaanka Ay Taladu Uga Wareegtay Cidii Loo Igmaday,Waxaana Loo Baahan  Yahay In Shacabka Somaliland Ku Dhaqmaan
1. Cod Midaysan

2. Caqli Midaysan

3.Cudud Midaysan Si Dalka Looga Samata Bixiyo Xaaladda Cakiran Ee Uu Cagaha Kula Jiro,Si Aanay Meesha Uga Bixin Midnimada Iyo Wada Jirka Umaddeeenu.

 Allaa Mahad Leh Somaliland Guul
Yaasiin Beerqabooje
Hargeysa/Somaliland
Galaydh44@Hotmail.Co.Uk