“Ninka leh waa sharci-darro in ururrada la furo, ma waxa sharci ah in muddo-kordhin loo sameeyo saddexda xisbi?”

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cali Qaran oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka jawaabay hadallo dhaliilo uu xukuumadda u jeediyey u badan oo maanta ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Guddoomiye Xirsi oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu ku xad-gudbay qodobbo ka mid ah dastuurka Somaliland, waxaanu xusay inaanay mucaarad ahaan u aqoonsan doonin mansabka madaxweyne ee uu hayo haddii sida uu sheegay madaxweynuhu ixtiraami waayo shuruucda dalka.

Xildhibaanka oo daba-socda hadalka guddoomiye Xirsi oo ujeeddadiisu ahayd inuu ka soo-horjeedo furista ururrada siyaasadda, waxa uu yidhi, “Ninka maanta leh waa sharci-darro in ururrada la furo waxaan leeyahay ma waxa sharci ah in muddo-kordhin loo sameeyo saddexda xisbi?” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Bulshadu wey ka kortay in durbaanno madhan loo tumo, xaq dastuuriya oo muwaaddiniintu leeyiin ma aha in shaqsiyaad loo garba duubo.”

“Doorasho mid urur iyo mid madaxweynaba dalku waa galayaa ee hala xidho beelasha idam Alle.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cali Qaran.