Ninka Caynkaa yeelaa, Cali maaha – Prof Idiris Daaud Ali

Maalmahan aan soo dhaafnay waxaa si isdabajooga loo weerarayay oo waliba loogu cagajugleynayaa xildhibaan Cali sh.Ibrahim Aareye isagoo lagu eedaynayo inuu nabadgalyada waxyeellaynayo oo uu dad iska hor keenayo taas oo been abuura,  Arrinkaa waxaa lugu faafiyay saxaafadda.

Waxaa la yidhi “Biddo intaanad biddo ku odhan ayay biddo ku tidhaa”.

Halkan waxaan cadeynayaa in canbaareyntaasi waxba kama jiraan tahay iyo been abuur la doonayey in fidmo qabaailka dhexdiisa laga abuuro loona kala fogeeyo beesha Gobolka salal.

Ma waxaanay ogayn dadkaasi in Jamhuuriyadda Soomaliland tahay Qaran jirra oo Xildhibaan Cali Aareeye cabbiri karo ra’yigiisa si xoriyad ah oo distuuriya kaasoo  Dastuurka dalkuna  qeexayo in qofkastaa xorriyadd u lee yahay inuu waxna naqdiyi karro waxna cabiri karro.

Waxay ahayd in  madax-weyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland haddii aanu jilib yar ama reer kaliya aanu u ahayn masuul,  balse uu u yahay umadda reer Somaliland  madax-weyne ku xigeen, waxay ahayd inuu u dhabar adeego  hadal yar oo la soo naqdiyey, muxuu reerkiisa ula fadhiyi waayay oo uu kasoo doonay xilkan qaranka? Xil qaran ninkii haya waa la naqdiyi ceeb iyo amaanba kolba tii uu mutaysto.

Ninka dadka kala soocaya ee haddii nin Ciissa ah shaqo la siiyo ka daba qaylinay ee ha la baddello  yidhaahda Cali maaha.

Nina doorashookii Sailac iyo Lughaya faragaliyay ee sanaadiiqda codbixinta degta ku qaatayna Cali maahayn.

Ninka hadhaaga Ciissaha u yeedhanaya ee idaacadaha ka ciya leh ee aflagaadada baahinaya waxay difaacayaana la garanayn Cali maaha.

Ninka nin adhi aan soo hoyn karayn geel qaba in uu soo hoynayana ee la mida gabadhii carooskeega ka ciyaartayna Cali maaha.

Ninka degaanada isku laaqay in la saxana diidaya ee jecel in dastuurka iyo shuruucdu sidaa waligood ku jabnaadaan maaha Cali.

Ninka qabiilo dekada ha dhisata leh ee dadka fitnaynaya Cali maaha. Ninka kolba meel mitirka la duljooga dhul daaqeedkana xidh xidhanaya, iyo ka ku dhiirrinaya midnaba Cali maaha.

Waxaan sheegaynnaa ninka nabadda burburinaya ee dadka iska horkeenaya waa ninka ku sifoobay sida kor ku xusan waana la wada yaqaan waana ninka istaahila in golayaashu maxkamadeeyaan.

Cali waa nin nabada jecel, cadaalada jecel, run sheegna ah. Cali waa nin u dooda xuquuqda dadkiisa. Cali wuxuu ka mid ahaa raggii hirgaliyay in, si kastaba ha jirtee, labada gole ee Sailac iyo lughaya sidaa ku hawl galaan.

Waxaan markhaati ka nahay in qabyaaladda dhiddig ee Cali ummadda u sheegay ay jirto waxaanan raacinaynaa in ay waliba tahay qabyaalad ma dhalays ah.

Waxaanu shaki ku jirrin oo aan murran lahayn in xil-dhibaan Aareeye ku suntan yahay Raga faro-ku tiriska ah ee nabadeynta iyo wanaaga Somaliland ku can baxay.

laakiin ninka Somaliland ku cusub ee dowladnimana u soo shaqeyn wacyigii la soo mareyna aan ogeyni cali maaha

 

Idris Daahir Cali