Nin Soomaali Ah Oo Bisad Aasay Dalka Ingiriiska iyo Waxyaabaha Yaabka Badan Ee uu Ka Sheekeeyay

 

Uk(SLpost)-Bisad rabbaayad u aheyd  qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaaladda London ayaa ku dhimatay shil baabuur, ka dibna ciidanka booliiska ayaa qaaday bisadii oo geeyay isbitaalka xayawaanka.

Booliiska ayaa markaas kaddib la soo xidhiidhay qoyskan oo u sheegay waxa ku dhacay bisaddoodii. Sidoo kale waxyar kadib waxaa qoyska soo garaacay isbitaalka oo ku wargeliyay in mukulaashii ay u dhimatay dhaawacii, lagana rabo inay u yimaadaan isbitaalka si loogala taliyo qaabkii ay bisada u aasan lahaayeen.

cat_000003205378

hadaba halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonaa waraysi yaab badan oo Farxaan Maxamed Jimcaale uu la yeeshay aabaha qoyskaas Soomaaliyeed ee bisada aasay oo la yidhaahdo Aadan Warsame Budhyar, hadab waraysigaas oo shabakada Somalilandpost ay qoraal idiinku soo qortay waxa uu u dhignaa sidan

 

maxay ku yidhaahdeen boolisku markay kula soo xidhiidheen?

waa qiso cajaayib ah waxa jiray maahmaaha Soomaali ah oo tidhaahda  Nin aduunka joogoow maxaa aragti kuu laaban, waxa jira waxyaabo aanad filayn in ay aduunka kaaga horimanayaan. boolisku way nala soo hadleen habeenkii Axda ilaa 12-kii, tilifoonka ayay qayladiisu dami wayday oo markii hore maanu qaban, goor danbe ayaanu qabanay waxaanu ahaa nin booliis ah,waxa uu si degan noogu yidhi waxaan ka xumahay inaan akhbaar xun idiin soo wado, reerkaas ma tihiin oo bisada magacaas leh ma leedihiin, markaas haabaan ku idhi, waxa uu yidhi bisadiinii shil ayay gashay waxaanuna gaynay cisbitaalka xoolaha ee la xidhiidha. xoogaa kadib waxa na soo wacay cisbitalakii oo iyaguna muujinaaya dareen walwal ah.

waxa iswaydiin leh hadii bisadiinu ay shil gashay sidee lagu ogaaday inaad idinku leedihiin?

Wadankan waxa ku jira bisadaha iyo eydaba badhan ama jibuu ku qoran yahay magaceeda, taariikhdeeda, talaalada ay qaadatay iyo magaca qofka iska leh lanbarkiisa iyo ciwaankiisa, mar horeba waa inaad diiwaangaliso eyda iyo bisadaha waxaana markaas la diiwaan galinaayo la galinayaa badhankan ama jib kaas oo uu macluumaadku ku jiro.

bisada markaas maxaa ku dhacay?

sida aanu markii danbe ogaanay gabadh jaarkayaga ah oo aan naga fogayn ayaa jiidhay, waxay bisaduhu leeyihiin albaab u gaar ah oo badhankan ku dhagsani ka furo markay baxayso iyo markay soo galaysaba, markaas habeenkii markay cashaysay ayay baxday waxaana ku dhacay gaadhiga gaabadhaas, markaas boolisku nooma sheegin ee reer Soomaali ah oo noo dhawaa ayaa marka shilku dhacay agjoogay kuwaas ayaa noo sheegay sidaas ayay ku dhimatay.

magaceedu maxuu ahaa?

Mayla oo gabadh yar oo aan dhalay ayaa lahayd, waxa cajiib ah marka boolisku nala soo xidhiidhay, waxay yidhaahdeen kaalaya eega inay tiinii tahay iyo in kale, waxaan ku nidhi jibka hadii aad ka akhrideen oo ay dhimatay iska tuura oo meelahaas bakhtiga la geeyo geeya. markaas ayay sheekadiiba bilaabmatay, ismaan lahayn dalkan intaad joogtay waxbaa kaa qarsoon, waxa nalagu yidhi iska tuur maahee wadankan waxii dhinta waa la aassaa markaas waa inaad joogtaan marka la aasayo, markaas noocyada kala duwan ee duugitaanka ayaad nala eegaysaan, hadii kale anaga ayaa duugayna oo lacagtana waanu idinku soo dalacaynaa.

waxaad markaas si kooban noogu sharaxdaa sadexa nooc ee ay idin yidhaahdeen bisada ayaa loo aasayaa iyo waxaad ugu danbayntii samayseen?

In qubuuraha xayawaanka lagu xabaalo,in lagubo oo labaduba  kharashka ku kacaayo uu bixinaayo qofka bisada iska leh iyo ta sadexaad oo ah inaad dhul hadii uu leeyahay gurigiinu ama beer aad ku xabaalataan, markaas tan danbe ayaanu qaadanay laakiin iyadiina caruurtii ayaa diiday oo yidhi waanu ka naxaynaa markaas todobaad dhan ayay talaagada ku jirtay oo aan caruurtii ka dhaadhicinaayay in  guriga lagu aaso, markaas labada nooc midi waa xabaalo oo waa mid lacag badan oo macaa magacii lagu dhajinaayo qubuurta, midna waa 200 oo gini oo waa la gubayaa, waxay ku leeyihiin taas gubitaan ayaa laba nooc ah oo mid xayawaan badan ayaa la’la gubayaa midna kaligeedbaa laguu gubayaa laakiin lacagtaad wax ku daraysaa. intaas kadib waxa aan soo iibsaday qalabkii wax lagu qodaayay xabaal ayaan u qoday waanan xabaalay waxaase layaab leh ninbaa waxa uu yidhi laba kaleba isasaarayoo laba tagoogo isma saarin, waligay ismaan odhan bisadbaad xabaal u qodi doontaa oo aad xabaali doontaa waa arimaha layaabka leh.

waxa taas ka siidaran markii laygu yidhi waa inaad cisbitaalka timaadaa ayaan subaxii shaqadii la hadlay waa lay tacsiyeeyay oo waxa laygu yidhi markaad tacsida soo dhamaysatid ee dareenkaagu soo dago markaas uun shaqada kaalay, dadka jaarka nala ahaa ee ajaanibka ahaa tacsi ayay noogu yimaadeen waxaanay markaa arintani ku tusaysaa inay bisadii ka walwalsan yihiin, waxa jira sharci dalkan ka jira oo hadii aad ey ku dhacdo in aanad beesha ka dhaqaaqi karin ilaa uu boolisku yimaado, markaas bisaduu kuma jiraan sharcigaa laakiin waxa markiiba nala siiyay warqado la leeyahay fadlan noo saxiixa bisadahan waxaanu doonaynaa in sidaas oo kale loo sameeyo oo dacwadaas nala gala.

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland