Nin Sixiroole Ah Oo Lacagtii Sarifka Ka Dhacay Mid Ka Mid ah Sariflayaasha Hargeysa

Hargeysa(SLpost)-Nin Sixiroole ah ayaa lacagtii sarifka ee doolarka ka dhacay nin miherad sarif ku haysta agagaarka xarunta ganacsiga ee Hadiya ee badhtamaha suuqa Hargeysa.

Nikan xisiroolaha ahaa ayaa ninkan safrika ka shaqaynaayay ka sariftay lacag kontan doolar ah, waxaanu ka codsaday inuu lacata bac ugu rido una sii hayo, waxaanu ku soo noqday sida uu sheegay ninkan sariflaha ah saacad kadib waxaaanu markii uu ku soo laabtay u dhiibay boorasadii uu ku haystay sarifka lacagta doolarka, isaga oo ninku sheegay in wakhtigaas aanu is kala ogayn miirkiisii caadiga ahaana uu u soo laabtay kadib markii ninkii uu ka tagay.

Inkasta oo aanu sheegin ninkan sariflaha ah cadadka lacagta ka maqan hadana waxa ninkaas ka muuqaday argagax iyo u qaadan waa, dadka sixiroolayaasha ah ayaa inta badan la arkaa iyaga oo ku dhacaaya maheradaha Hargeysa sixirkooda.