Nin meherad uu lahaa dab ku qabad-siiyey badhtamaha suuqa magaalada Hargeysa [SAWIRRO]

Hargeysa, 04 March, 2012 (SLpost)- Mid ka mid ah xoogsatada meheradaha ganacsi ee yaryar ku haysta badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa abbaaro 12:00 duhurnimo ee maanta dab qabadsiiyey meherad uu lahaa.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Coofiye oo meheraddiisa ganacsi ku hor taallay Wajahadda hore ee Dhismaha Jirde aw-Xuseen oo ay ku jiri jirtay xawaaladdii la xidhay ee Qaran Express, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa askartii ilaalin jirtay amaanka Xawaaladda.

Wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost oo goobta ku sugnaa markii uu dabku qabsaday,  waxa dadku ku war-haleen qarax mar kaliya laga wada maqlay aagga suuqa ee ay meheradda yari ku taallo, dabadeedna la arkay qiiq ka baxaya kedinka hore ee meheradda oo loox ka samaysan iyo dad meheradda ku ag sugnaa oo cabsi darteed u kala yaacay.

Waxa isla markiiba meheraddii gubanaysay u gurmaday dadkii goobta ka dhawaa oo biyo iyo carro boobay si ay u bakhtiiyaan isaga oo ninkii meheraddiisa gubayna uu markiiba baxsaday. Waxaana goobtii meheraddu ku taalay ku soo ururay dadweyne aad u tiro badan.

Isla markiiba waxa goobta yimi ciidamada booliska uu la socday taliyaha Booliska ee Qaybta Bariga Hargeysa Maxamuud Ducaale oo qaar ka mid ah suxufiyiinta sawirrada ka qaadanayey jewiga goobta qaarkood ka faro-maroojiyey Kamaradihii ay haysteen isla markaana noqonaysa tallaabo ay mar kasta Suxufiyiintu kala kulmaan ciidamada booliska wakhtiyada ay ku gudo jiraan gudashada hawl-maalmeedkooda. Dhanka kale, Ciidamadii Booliska ee goobta ku sugnaa waxay ku guulaysteen inay dejiyaan xaaladdii goobta oo dhalinyaro badan oo wakhtigaas dugsiyada ka soo rawaxay ay  qaylo iyo Foodhi kaga jawaabayeen hawl-galkii booliska iyo dareenkii ay ku dhalisay dhacdadii ay la kulmaan, waxaanay ciidamadu sidoo kale ku guulaysteen inay markii dambe gacanta ku soo dhigaan ninkii meheradda lahaa oo ka hor intii aanu baxsan inuu Baatrool ku daadiyey, dabadeedna dab-qabadsiiyey.

Ficilka ninkani kula kacay inuu gubo meheraddiisa ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay dawladda Hoose ee Caasimaddu ku wargelisay inuu meheraddiisa kala guuro ka hor inta jidkaas laga fulin hawl-gallo jid-baneyn ah oo Dawladda Hoose ee Caasimaddu maalmihii ugu dambeeyey ka wadday meelo badan oo Caasimadda ka mid ah.

Dadweynihii Goobta ku sugnaa ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey tallaabada uu ninkani ku kacay taas oo qaarkood u arkeen inuu ku saxsan yahay maadaama aanu garanyn meel uu geeyo, halka dadka qaarkoodna ay ku sifeeyeen dambiile qaranka iyo dadkaba u horseedaya kacdoon bulshadu samayso.

Haseyeeshee, dhacdadani waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee la arko tan iyo wakhtigii ay dawladda Hoose bilowday inay burburiso meherada ganacsi ee buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda kuwaas oo wax weyn u dhimayey bilicda waddooyinka, isla markaana sababi karayey dadweynaha iyo gaadiidka jidadka isku haysta maadaama ay cidhiidhi tahay.

 somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net