Nin markii u horreysay loo tallaalay Xubinta taranka iyo dahaadhka Xiniinyaha

Dhakhaatiir Maraykan ah ayaa markii ugu horraysay si buuxda ugu guulaystay in ay nin ku tallaalaan xubinka taranka iyo dahaadhka xiniinyaha oo uu ku tabarucay qof dhintay.

Dhakhaatiir ka socota jaamacadda Hopkins University ee ku taalla magaalada Baltimore ee dalka Maraykanka ayaa fuliyay qaliinka lagu sameeyay askariga Maraykanka ah oo ku dhaawacmay bam ku qarxay isaga oo Afghanistan ku sugan.

tallaalka xiniinyahaWaxay isticmaaleen xubinta taranka iyo dahaadhka xiniinyaha iyo qaybo uurkujirta ka mid ah oo uu ku deeqay qof dhintay.

Waxay sheegeen in ay askariga u suuragali doonto in uu dareenkiisii soo noqdo oo galmo sameeyo, horay macquul uma ahayn in xubin taran oo la tallaalay galmo lagu sameeyo.

Kooxdan oo 11 dhakhtar ka kooban ayaa xubinka taranka tallaalay 26 bishii Maarso waxayna ku qaadatay 14 saacadood.

Waa markii koobaad ee qaliin noocan ah lagu sameeyo askari dagaal ku dhaawacmay, waana markii koobaad ee la tallaalo xubnaha taranka iyo kuwa kale ee ku xeeran ee uurkujirta oo wada socda.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aanay isticmaalin xiniinyihii qofka dhintay ee xubnihiisa ku deeqay iyaga oo xeerinaya dhanka anshaxa.

“Inkastoo ay muuqdaan dhaawacyada waawayn ee jidhka kala-gooya maadaama ay curyaanimo keenaan, haddana dhaawacyada dagaallada ka dhasha qaarkood way qarsoon yihiin saamayn wayn ayayna leeyihiin, balse dad badan kama garaabaan,” ayuu yiri Dr WP Andrew Lee oo madax ka ah qaybta qalliinnada noocan ah.

Dr Lee ayaa intaas ku daray in dhaawacyad xubnaha taranka soo gaara “xilliyada dagaalka ay yihiin kuwo aan laga hadlin”.

Dr Rick Redett ayaa isna sheegay in bukaanku uu hadda soo kabanayo isbitaalkana laga saari doono toddobaadkan.

Askariga oo codsaday in aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay in markii u horraysay ee uu toosay uu dareemay in uu caadi yahay.

“Rejadayadu waa in tallaalkan uu sare u qaadi doono in uu si caadi ah u kaajo, dareenkii shahwadana uu u soo laabto, ayuu yidhi Dr Redett, waxayna rajaynayaan in ay dadkale oo ay ku haboon tahay u sameeyaan.

Kooxda qalliinkan samaysay ayaa sheegtay in jaamacaddu ay meelmarisay in ay samayso 60 qalliin oo noocan oo kale ah oo barnaamijkan qayb ka ah.

Dhakhaatiir reer Koonfur Afrika ah ayaa 2014kii markii ugu horraysay ku guulaystay in ay tallaalaan xubinka taranka ee ragga.

XIGASHO; BBC