Nin Hubaysan Oo Toban Qof Ku Dillay Gobol Ka Tirsan Maraykanka

 

 

Oregon(SLpost)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 7 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii uu nin hubeysan weerar ku qaaday machad ku yaalla gobolka Oregon ee dalkan Mareykanka.

 

Labo ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen xilli loo sii waday isbitaalka.

Toogashadan ayaa ka dhacday qeybta Seyniska ee machadka Roseburg iyada oo ay isla markaas uun bilaabmeen maadooyinka machadku.

Booliska ayaa sheegay in uu dhintay ninka weerarka geystay oo da’diisa lagu sheegay 26 jir kaasoo aqoon wanaagsan u lahaa dhismaha machadka uu weerarku ka dhacay.

Booliska ayaa sidoo kale baadhaya warbixin horleh oo muujinaya in ninka weerarka gaystay uu shalay boggiisa isku xidhka bulshada ku soo daabacay in uu weerar qaadi doono.

Weli waxaan caddeyn in qofka weerarka gaystay uu yahay kali iyo in ay jiraan cidkale oo weerarkaasi ku wehelisa, balse booliska ayaa isku gadaamay goobta uu weerarku ka dhacay dadkana uga digay in ay yimaadan halkaasoo 209 KM u jirta caasimadda gobolka Oregon ee Portland.