Nimcaan Bowden oo loo Ogolaaday in Dhiiggiisa la Baadho si loo uu u helo Xuquuq la mid ah Muwaadiniinta Ingiriiska

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Arrimaha debeda iyo Barwaaqo sooranka ee Ingiriiska, ayaa codsiga Baasaboorka Ingirisika u ogolaaday Nimcaan Bowden oo ah wiil Aabihii ka soo Jeedo degmada Dartmouth ee Ingiriiska,kaas oo wakhtigan Hargeysa ku nool.

Nimcan oo tan iyo 1991 ku noolaa Hargeysa, ayaa waxa dhalay Aabe Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray Brian Bowden iyo hooyo Somali ah, waxaanu isaguna wakhtigan Xaaskiisa oo Somali ah kula nool yahay magaalada Hargeysa.

Nimcaan ayaa dalbaday la siiyo dhalashada wadanka Britain, waxaana beryahanba warbaahinta lagu arkayey sawirka Nim’an Bowden. Xafiiska arrimaha debbeda iyo Barwaaqo Sooranka ee London oo ka jawaabayey dalabka Nim’an ayaa u sheegay Nim’an inuu soo dalabado British Passport, taas oo ay eegi doonto wasaarada arrimaha gudaha Britain.

Nimcaan BowdenSida ay qortay jariiradda Dartmouth Chronicle, waxa Hargeysa yimi wafti ka socda safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia kuwaas oo kula kulmay Nimcaan Huteel Ammbassador ee magaalada Hargeysa. Lama sheegin waxa ka soo baxay kulankaa laakiin saaxiibada u ololaynaya Nim’an ayaa rumaysan in la samayn doono baadhitaanka dhinaca hiddesidayaasha ah (DNA) taas oo lala eegi doono qaarabada aabihii Brain Bowden ee UK taas oo laga yaabo in ay cadayn u noqoto.

Brain Bowden, ayaa shaqaale ka ahaa Wakaalada biyaha Hargeysa sanadki 1958-kii, waxa uu halkaa ku guursaday gabadh Somali ah oo u dhashay shan carruur ah. Dagaalkii hubaysnaa ee ka dhacay Hargeisa 1988, ka dib Brain Bowden, waxa uu u wareegay Moqdisho, waxaana uu shaqo ka bilaabay safaaraddii Ingiriiska, balse dagaaladii ka dhacay Muqdisho 1990, ayaa keenay in Brain Bowden lagu dilo Muqdisho sannadkii 1991.

Wakhtigii la dilay Brain Bowden lix sanno ka dib ayey Nimcaan hooyaddii dhimatay, taas oo keentay inuu Nimcaan noqdo qof aan cidna ku tiirsanayn oo ku nool shaaricyada magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET