“Nimankaas kala saariddooda, waxa ka fiican wada-saariddooda, markaa madaxweynuhu hadduu…”

“Nimankaas kala saariddooda, waxa ka fiican wada-saariddooda, markaa madaxweynuhu hadduu…”Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey go’aanka uu ugu quus-gooyey siyaasiyiinta shaaciyey inay u taagan yahay murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ka dib marka uu madaxweyne Siilaanyo dhammaysto muddo-xileedkiisa labaad.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale ugu baaqay inaanay wakhtigan waxba isku-mashquulin tartanka murashaxnimada doorasho aan wakhtigeeda la joogin maadama uu isagu xilligan ku fadhiyo kursiga madaxtinimada isla markaana uu yahay murashaxa u taagan xilka madaxtinimada Xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota, waxaanu ugu baaqay inay xoogga saaraan midnimada iyo sidii xisbigu guul u soo hoyn lahaa tartanka doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadkan.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo war-fidiyinneeda kula hadlay Hargeysa, waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyey inuu dejisay xaalad siyaasadeed oo ka kacday loollanka saddexda siyaasi ee ku tartamaya doorasho aan wakhtigaeeda la joogin.

HALKAN KA DAAWO