Nigeria Oo Sheegtay In Boqolaal Dumar Ah Ay Kasoo Badbaadiyeen Boko Xaraam

Lagos, (SLP)- Ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay inay kooxda Boko Haram kasoo badbaadiyeen in badan 200 hablo yar yar iyo 93 haween ah, kuwaasoo ay kooxdaas ku haysatay waqooyiga bari ee dalkaas.Boko Xaraam

Dumarkan la haystay ayaa laga helay kaynta Sambisa oo kooxda Boko Haram ku dhuumato, laakiin ciidamada mileteriga dalka Nigeria ayaa sheegay inaanay xaqiijin Karin inay ka mid yihiin gabdhihii sannadkii hore laga afduubay Chibok, waxaanay tilmaameen in la baadhayo hablaha iyo haweenka kale ee lasoo badbaadiyay.

Afhayeenka ciidamada Naigeria Col. Sani Usman Kuka-sheka ayaa xaqiijiyay warkan soo badbaadinta hablaha iyo haweenka kale, waxaanu sheegay in saddex xero oo kooxda Boko Haram ay ku lahaayeen keynta ay baabiiyeen, tallaabadan ayaa ka mid noqonaysa dedaalo ay ciidamada dalka Nigeri bilihii ugu dambeeyay dib ugu qabsanayeen deegaanno ay hore uga talin jirtay kooxdaasi.

 

Somalilandpost.net