Nidaamkii ugu Layaabka Badnaa ee Arday Imtixaan galaysa lagu sameeyo

Muuqaalka aad ku aragtaan qormadeenan maantu waa mid aad u layaab badan, waxaana sawirkan laga soo qaaday ardayda dugsiyada hoose dhexe ee dalka Suudaan oo markii macalimiintoodu sida la sheegay ay uga taag waayeen, qishka ama kala eegashada imtixaanka ay miciinsadeen waraaqo sidii dameerihii, gaadhi ximaarka oo kala lagu xidhayo ardayga. Wallow aanu ahayn sawirkani mid la ogolaa haddana waxa si qarsoodi ah uga qaaday suxufi madax banaan oo ka iibshay wakaaladda wararka ee Reuters oo iyadu baahisay. Sababo la xidhiidha dhinaca ammaankooda ayaan loo sheegin dhab ahaan ka uu yahay dugsigani hasa yeeshee waxa sababta ardaydan sidan loogu galay lagu sheegay mid macalimiintu kaga nasanayaan ilaalintii joogtada ahayd, ee ay inta imtixaanku socdo la dul taagnaan lahaayeen. Dalka Suudaan wuxuu ka mid yahay wadamada tirada ardaydu si xawli ah sanadba sanadka ka danbeeya ay u sii kordhayaan, waxaanay kala eegashada imtixaanaadku noqotay laf dhuun gashay oo xal kale loo waayay. Mid ka mid ah macalimiinta dugsigan oo la waydiiyay sababta ay qaabkan u isticmaaleen ayaa sheegay in macalimiintu khatyaan iska taageen ilaalinta ardayda siyaabo badana loo kala eeganayo imtixaankii sidaa dartii ay isticmaaleen kartoomadan oo madbacad ku taala dalkaasi si gaar ah u farsamaysay. “Ardayda ayaa marka laga qaadayo ama ay dhiibayaan bayaadka imtixaanka sidoo kale dhiibaya waraaqahan lagu xidhay ee madaxa lagaga duubay, loomana ogola inay dibada ula baxaan. Maaha arintani mid si sharci ah ay dawladda dalkaasi u ogolaatay ama wasaarada waxbarashadu u soo saartay hasa yeeshee waa nimaad ay dugsiyada qaarkood isticmaalaan, waxaana loo qariyaa si adag oo waxay macalimiintu ka cabsi qabaan in haddii ay mudanayaasha Baarlamaanka ee dalkaasi maqlaan ay arintan fadeexad ka dhigaan.” Sidaa waxa yidhi ruux ka gaabsaday magaciisa oo ka hadlayay xaaladdan. Si kastaba ha ahaatee wuxuu sawirkani noqday mid si wayn u faafay oo mobilada la isugu diray dalkaas, waxaana lagu daba jiraa sidii loo ogaan lahaa dugsigaan iyo meesha uu ahaa.