Natiijooyinka Hordhaca ah ee Degmooyinka Ceerigaabo, Caynaba, Balligubadle, Oodweyne, Baki iyo Ceel Afweyn

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Guddiga Doorashooyinka ee heer degmo waxa ay maanta shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Sheekh, Caynaba, Balligubadle, Oodweyne, Baki iyo Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Guddiga Doorashooyinka, ayaa hore u shaaciyey natiijada codbixinta siddeed Degmo-doorasho, taas oo wadarta guud ee natiijooyinka hordhaca ah ee degmooyinka ka dhigaysa 15 degmo Doorasho, waxaana ilaa hadda tirada kuraasta lagu kala guulaystay hoggaaminaya xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye, ayaa ilaa immika ku guulaystay 67 Kursi, halka xisbiga Waddani ka haysto 54 kursi. Xisbiga UCID, ayaa haysta 30 kursi guud ahaan 15 degmo doorasho ee codbixintooda la shaaciyey.

Wadarta Natiijada Hordhaca ah ee 15-ka Degmo-doorasho ee la shaaciyey

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net