Natiijada wada-hadallo Wejigoodii 2aad Galay oo Xisbiga WADDANI iyo Garabka Jamaal Cali Xuseen isku hor-fadhiisteen

Hargeysa (SLpost)- Wejiga labaad ee Wada-hadallo u socday Xisbiga Waddani iyo Garab ka tirsan Xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana natiijada kulankaas faahfaahin ka bixiyey masuuliyiin labada dhinac u meteleyey wada-hadallada.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN

Garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID, ayaa ka baxay xisbigaas, kaddib markii murashaxnimada UCID mar kale loogu doortay FAysal Cali Waraabe shir-weyne magaalada Hargeysa ugu qabsoomay Garab uu hoggaaminayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, taas oo meesha ka saartay murashaxnimadii madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen ugu magacownaa xisbigaas.

Taasina waxa ay dhalisay in Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkiisu wada-hadallo la bilaabaan Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, iyadoo ay jireen Kulamo dhexmaray garabka Jamaal Cali Xuseen iyo hoggaanka labada xisbi ee kale.