Hargeysa, 16 March, 2012 (SLpost)- Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigayay Natiijadii ka soo baxday Shirkii ka qabsoomay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska 23-kii bishii hore ee lagaga hadlayay Xaalada dalka aynu deriska nahay ee Somalia ayaa Caawa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ayaa ujeedadiisu la xidhiidhay Guulaha Somaliland ay kala soo hoyatay Shirkii London oo ay ugu miisaan cuslayd in markii u horaysay uu caalamku isla qaatay in Somaliland iyo Somalia ay mustaqbalka ka wada hadlaan Nooca Xidhiidhkoodu isla markaana ay guul siyaasadeed ahayd in Labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia uu wixii wada hadal ahi dhexmari doono iyo in Caalamku taageero wada hadalkaas,iyadoo aynu kala nahay laba dawladood.
Munaasibadan waxaa ka qayb galay Madaxda Sadexda Gole Qaran, Xisbiyada,Ururada Siyaasada,Ururada Bulshada,Aqoon yahano iyo marti sharaf kale oo aad u badan .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa hadal dheer oo uu madashaaasi ka jeediyay waxa uu kaga warbixiyay Horumarinta Siyaasada Arrimaha Dibada taas oo ka hor tagaysa arrimaha dhibaatada ku ah Qaranimada Somaliland waxaanu wasiirku xusay inay fal gal aad u wanaagsan la yeesheen caalamka una muujiyeen waxa ay Somaliland qabsatay mudadii ay madax banaanideeeda haysatay gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada, dhismaha Haykalka dawladeed, iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee ay hirgalisay iyadoon wax taageero ah ka helin adduunka intiisa kale.
Wasiirku arrimaha dibadu waxa uu iftiimiyay in shirkan ka ku xiga waxa laga yeelayo ay talo qaran ka yeelan doonaan si ay u soo baxdo ayuu yidhi fikir lagu midaysan yahay oo wax weyn ka tara talaabada ku xigta shirkii London waxa uu Dr Maxamed C,laahi Cumar soo dhaweeyay War Murtiyeedkii laga soo saaray shirkaas iyo ansixintii ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku aqbaleen go’aamadii shirkaas .
Geesta kale waxaa Munaasibadaas hadalo ka soo jeediyay Madaxda Xisbiyadda Qaranka ee Shirka London ku wehelinayay Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha JSL oo cadeeyay in shirkaasi uu kor u qaaday maqaamkii ay Somaliland ku dhex lahayd adduunka intiisa kale iyagoo sheegay in Somaliland la siiyay hab maamuus u gaar ah si aanay ugu dhex milmin dhinacyadii ka socday dalka Somalia isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland uu madashii shirkaas oo ay isugu yimaadeen 54 dawladood uu ka jeediyay Khudbad taariikhi ah oo ka turjumaysa in masiirka iyo madax banaanida Somaliland ay tahay wax aan gorgortan geli Karin.
somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland