Natiijada Kulan Dhexmaray Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey inay ku qanceen in xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka buuxin karaan xilka loo soo xulay kadib kulan ay maanta kula yeesheen xafiiska guddiga ee Aqalka Wakiillada.

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolaan inay goob-joog ka noqoto, ayaa Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilladu xog-warran la xidhiidha waayo-aragnimadooda shaqo kaga dhagaysteen toddobada xubnood ee Komishanka cusub, iyaga oo mid mid u qiimeeyey taariikhdooda waxbarasho.

KulankaGuddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyadda ee Golaha Wakiillada Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddigoodu ku qanacday xubnaha cusubi ay buuxin karaan shaqada Komishanka Doorashooyinka.

“Sidaad ka war qabtaan cidda ay tahay inay kala reebto, baadho, dabagasho, xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin xubnaha cusub ee Komishanku waa Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada,” sidaa ayuu yidhi Md Ibraahim Jaamac.

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Annaga xilkayagu waxa uu ku eegyahay in aannu hubinno xubnahani inay u qalmaan sida sharcigu tilmaamayo inay ka mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka, waanuna isla ogolaanay guddi ahaan inay u qalmaan ama buuxin karaan xilka Komishanka Doorashooyinka.”

KomishnkaMaalinta Sabtida ee bilowga todobaadka dambe oo qorshuhu ahaa in mudanayaasha Golahaasi yeeshaan fadhi aan caadi ahayn oo muddo laba maalmood ah ku eg si loo ansixiyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku beegmay maalin fasax laga yahay hawlaha hay’adaha dawladda, iyada oo uu curanayo sannadka cusub ee Islaamka ee 1435-ka.

Sidaa Awgeed, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha Md Rayte oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xilliga goluhu ansixinayo xubnaha Komishanka Doorashooyinka, ayaa iftiimiyey is-maandhaaf mudaneyaasha ka dhexeeya oo ku wejahan ansixinta Guddiga Doorashooyinka.

“Sabtida ayaa la isugu yeedhay golaha si loo ansixiyo Komishanka, laakiin waxaan maqlayay xildhibaanno badan oo diiddan arrintaas, sababtoo ah waxay diiddan yihiin in Komishanka la ansixiyo, waxaanay u diiddanyihiin in diiwaangelinta iyo doorashadu dib-u-dhacdo, laakiin waxaan filayaa in aanay taasi u suurtogalayn, Komishanka waa la ansixinayaa oo hawshooda ayey bilaabayaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Reyte oo ka tirsan Xildhibaannada Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu jira Golaha Wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET