Natiijada kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Golaha Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha    Dibada Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa faah faahin ka bixiyey kulan uu maanta la qaatay guddida arimaha dibada u qaabilsan golaha guurtida Somaliland.

Md Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu faahfaahin ka bixiyey siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland ee xiligan iyo halka ay marayaan wadahadaladii Somaliland ay la lahayd Somalia, isagoo sheegay inay wasaarad ahaan arinta wadahadalka wada shaqayn kala leeyihiin gudiyada siyaasadda arimaha dibada ee Guurtida iyo Wakiilada.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu iftiimiyay in beesha caalamku ku baaqday in Somaliland iyo Somalia uu wada hadal dhex maro isla markaana uu ka dalbaday Golaha Guurtida inay talo ku soo darsadaan sida ay Xukuumadu u wajahayso wada hadalka labada dal.

Wasiirka oo ka hadlaya waxyaabaha ka soo baxay kulankan uu la yeeshay Guddi hoosaadka Arrimaha Dibada ee Golaha Guurtida waxa uu ku sheegay inay isla qaateen Wada shaqayn iyo Mawqif Midaysan in lagu wada hawl galo,isagoo intaas ku daray inay ka wada hadleen oo kale arrimaha Geeska Afrika isla markaana uu warbixin ka siiyay qorshayaasha siyaasadeed ee Xukuumada Somaliland kula dhaqmayso wadamada Mandaqda .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa uu soo dhaweeyay in Mudanayaasha Golaha Guurtidu ay talo iyo Tusaale wax tar leh mar walba ku soo darsadaan arrimaha danta Qaranka isla markaana ay Xukuumada uu ka tirsan yahay Tixgelin gaar ah siin doonto.

Gebagebadiina Xubnaha guddi hoosaadka Siyaasadda arrimaha dibada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa su’aalo weydiiyey wasiirka arimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia, waxana wasiirku cadeeyey in waxa laga wada hadlayaa aanay ahayn madaxbanaanida somaliland balse wadahadaladu ku qotomaan xidhiidhka mustaqbal ee labada dal iyo deris wanaaga labada shacab.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net