Natiijada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay Ka Dib Safar Hal Maalin Ah Uu Ku Tagay Itoobiya Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay Kulamo Uu La Qaatay Ra’isal Wasaaraha Dalkaasi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo laabtay caasimada dalka Hargeysa, ka dib safar shaqo oo ay shalay gelinkii danbe ku tageen dalka Itoobiya.

00Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibadda Itooobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulamadaasi oo daaranaa iskaashiga labada wadan iyo sagootin, maadaama mudddo xileedka Madaxweyne Axmed Silaanyo oo gebogebo ku dhaw yahay, sidaasina waxa Saxaafadda u sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa weftiga  Madaxweynaha isagoo warbaahinta kula hadlay Madaarka Cigaal International Airport, waxaanu ka war bixiyey safarkaasi iyo kulamadii uu madaxweynuhu la yeeshay madaxda dalkaasi waxaanu yidhi “ Waxaannu halkan shalay kaga tagnay wefti ka kooban, Madaxweynaha, marwada koowaad, anniga oo ah wasiirka arrimaha dibada iyo xoghayaha madaxweynaha, waxaannu ka degnay Addis Ababa si aad u qurux badan oo milgo leh ayaa naloo soo dhaweeyey roog cas ayaa naloo dhigay, maantana waxaannu yeelanay laba kulan, ka hore wasiirka arrimaha dibada  Dr. Workneh Gebeyehu ayaannu la yeelanay, waxaanu ahaa kulan sagootin ah, markii dambena waxaannu la kulanay ra’isal wasaare Hailemariam Desalegn.

Kulankaas Madaxweynaha iyo ra’isal waasaruhu waxyaabo badan ayey ku soo hadal qaadeen oo ay kaga wada-hadleen, kuwaas oo ay ka mid tahay xidhiidhka labada wadan ka  dhexeeya, arrimaha iskaashiga, arrimaha doorashooyinka mustaqbalka iyo mahadcelin ku aadan wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay wada lahaayeen Madaxweynaha iyo ra’isal wasaaruhu. Kulankani wuxuu ahaa mid aad iyo aad munaasib u ahaa, waayo isniinta ayaa la galayaa doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markaa in ra’isal wasaaruhu uu shir sagootin ah kula kulmo Madaxweynaha waa wakhti ku haboon”. Ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire