Natiijada ka soo baxday Tartan loo qabtay 20 Shirkadood oo ku tartamay Laba Mashruuc oo Xukuumadda loo fulinayo

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey magacyada shirkado ku guulaystay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka fulinayso dalka, kuwaas oo ay ku tartameen 20 shirkadood.

Mashaariicda lagu tartamay ayaa kala ah Dhaam-biyood laga qodayo degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex iyo Timir loo keenayo Ciidanka Qaranka.

Natiijada tartanka loo galay Qandaraaska labada Mashruuc oo Guddigu hore u baahiyeen, ayaa lagu shaaciyey kulan ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada halkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga, Wakiillo ka socday shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiinta hay’adaha Dowladda ee mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruuca Dhaam-biyoodka laga hirgelinayo degmada Sabawanaag ay ku guulaystay shirkad lagu magacaabo Tawakal Construction, halka mashruuca Timirta loo keenayo Ciidanka ay ku guulaystay shirkad lagu magacaabo Kaarshe Company.

Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranku waxa uu shirkadaha ku guuleystay qandaraasyada u soo jeediyay inay si hufan u fuliyaan una hirgaliyaan mashaariicda.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadihii ku tartamay mashaariicda oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday tartanka loo qabtay isla markaana ay kalsooni ku qabaan, waxaanay bogaadiyeen shirkadaha ku guuleystay hirgelinta labada mashruuc.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpot.net