Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ee Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay

Hargeysa  (SL.Post) Masuuliyiinta Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay natiijada Imxtiraanka shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee fasallada 4-aad iyo 8-aad

 

hqdefault

 

 

 

 

 

 

Shir jaraa’id lagaga dhawaaqayay Imtixaanaadka ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), Guddoomiyaha Imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta Sare Cabdilaahi Ibraahim Habane oo sharaxaya ardayda iyo dugsiyadda ay ka kooban yihiin ardayda imtixaanka u fadhiistay waxa uu yidhi “ dugsiyadda hoose dhexe oo iskugu jira kuwo gaarka loo leeyahay iyo kuwo dawladda waxay ka koobnaayeen saddex boqol iyo todoba iyo konton Dugsi (357), dugsiyada sare oo iskugu jira kuwo gaarka loo leeyahay iyo kuwo Dawladdu maamusho waxay ka koobnaayeen boqol iyo sideed dugsi (108)”

 

Mar uu sharaxayey ardayda dugsiyadda sare iyo kuwo dhexeba inta ay ka koobnaayeen,  waxa uu yidhi “Shan iyo toban kun iyo labaatan arday ayaa u fadhiistay dugsiyada hoose iyo dhexe, lix boqol iyo afartan iyo sadax ayaa ka dhacay dugsiyadda dhexe, Dugsiyada sare waxa imtixaanka gallay sagaal kun, sagaal boqol iyo kow iyo toban Arday, waxa dhacay  saddex boqol iyo laba iyo toban  Arday, waxaa halkaasi ka garanaysa inuu jiray dadaal badan oo ay sameeyeen ardaydu oo aad bay wax u akhristeen, galinka dambana way ku soo noqonayeen dugsiyadda waxbarashadda.”

 

 

Waxaanu intaas ku daray “Sanadkan imtixaanka waxa ku hooseeyey ardayda dhigata Arts-ka, waad og tihiin oo dugsiyada sare waxay u qaybsan yihiin Arts iyo Saynis, marka sanadkan waxa is dhigtay waa ardayda Arts oo islahaa wuu jilicsan yahay ayaa sanadkan hoos u dhac ku yimid.”

 

 

Guddoomiyaha imtixaanaadka qaranka Daa’uud  Axmed Faarax ayaa isna ku dhowaaqay tobankii arday ee u sareeyey, waxaanu hambalyo u diray dhamaan ardaydda Somaliland ee imtixaanka ku guulaystay iyo waalidkood oo uu u rajeeyey guul.

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.Hargeysa