Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool iyo Magacyada Xildhibaannada ku soo baxay

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee xildhibaannada ku soo baxay doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool oo noqonaya gobolkii u horreeyey ee natiijadiisa la sheegay

Gobolka Sool oo tirada xildhibaannada Golaha Wakiillada ee saami-qaybsiga gobollada loo qoondeeyey, 12 xildhibaan, waxa tirada ugu badan ku guulaystay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo helay shan xildhibaan, xisbiga Waddani oo ku soo xiga ayaa helay Afar xildhibaan halka xisbiga UCID helay saddex xildhibaan.

Xildhibaannada ugu cad-cad ama ugu magaca weyn ee ka soo baxay Gobolka Sool, waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirkii hore ee Ganacsiga xukuumaddii Siilaanyo xilliganna ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif. Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Caafimaadka ee xukuumaddii Daahir Rayaale, Mr Axmed Xasan Cali Casoowe.

Magacyada Xildhibaannada Xisbiga Kulmiye

  1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo helay 4,456
  2. Mukhtaar Ibraahim Caashi di Cilmi oo helay 2,544 cod.
  3. Saleebaan Maxamed Faarax oo helay 2,486 cod.
  4. Mustafe Axmed Cabdilaahi oo helay 2,439 cod
  5. Axmed Xasan Cali Casoowe oo helay 2,269

Magacyada Xildhibaannada Xisbiga Waddani

  1. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo helay 3,472 cod
  2. Axmed Muuse Jaamac Diiriye oo helay 3,434 cod
  3. Bile Cabdi Ducaale Samatar oo helay 2,340 cod.
  4. Qaasim Aadan Saleebaan Cali oo helay 1,922 cod.

Magacyada xildhibaannada u soo baxay Xisbiga UCID

  1. Maxamuud Xayir Ducaale Diiriye oo helay 2,986 cod.
  2. Abokor Faarax Warsame oo helay 2,712 cod.
  3. Axmed Jaamac Saalax oo helay 1,565 cod.

Murashaxiinta Golaha Wakiillada ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa gobolka Sool ka helay 26,842, halka murashaxiinta Xisbiga Waddani ka heleen 19,292. Sidoo klae, murashaxiinta Xisbiga UCID, ayaa wadarta codadkoodu isku noqdeen 16,946 cod.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net