Natiijada Ciyaartii Saaka Boorama Ku Dhex Martay Xulalka Saaxil iyo Salal

 

Boorama(SLpost) – Ciyaar xiiso badan oo u dhexaysa xulalka Saaxil iyo Salal ee group B-da ku wada jira ayaa saaka sideedii subaxnimo ciyaari uga bilaabmatay garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Boorama. Ciyaaraha ayaa markii u horaysay galinka hore la qabtay kadib arrimo amaan darteed, waxaana 10:00 subaxnimo bilaamaysa ciyaar adag oo u dhexaysa Hawd iyo Buuhoodle.

 

Ciyaarta oo ahayd mid adag islamarkaana labada kooxood ba ka cararayeen inay tartanka ka hadhaan qaybtii horeba koox waliba keensatay hal gool, waxaana qaybtii dambe gool labaad keensaday xulka gobolka Saaxil oo ciyaarta ku hogaamiyay Saaxil 2:1 Salal.

 

Goolka labaad ee Saaxil keensatay ayaa muran dhaliyay kadib markii xulka Salal goolka ku macneeyeen mid khalad ku dhashay islamarkaana ciyaartoy ka mid ah kuwa Salal uu Nabar afka kaga dhuftay Siidhi wadaha, waxaana sidaasi lagu bedelay siidhi wadihii ciyaarta, muddo kadibna ciyaarta ayaa dib u bilaamatay waxayna ku dhammaatay ciyaartu laba iyo hal, waxaana sidaasi ku soo baxay xulka gobolkaSaaxil, waxaana hadhay gobolka Salal.

 

Xulalka Hawd iyo Buuhoodle ayaa sidoo kalena ciyaar adagi dhex maraysaa, kuwaasi oo mid walba ka ordayo inuu tartanka ka hadho maanta. Xulka Hawd ayaa wata 3 dhibcood, halka Buuhoodle wato hal dhibic, waxaana baxaya kooxdii badisa, halka baraajaha gobolka Hawd ku baxayo.

 

Natiijada Ciyaarta dhex maraysa xulalka Hawd Iyo Buuhoodle oo imika socota waxa aannu idiin soo gudbinaynaa marka ay dhammaato idamka Rabbi.

 
Somalilandpost Office