NALKA HAGA NAFTAYDAAY – Hees Cusub Codkii Maxamed BK iyo Erayadii Xasan Daahir Weedhsame

hiilHEESTAN oo la magac-baxday NALKA HAGA NAFTAYDAAY, waxa curiyey Abwaan Xasan Daahir Weedhsame. Waxa Codkiisa Macaan ku Qaadaya Fanaanka Maxamed Siciid BK.

Hir Kaliil Hilaacaay,
Hadhac Diifta Reebaay,
Hiilkii Jacaylkaay,
Qaryaddii Haweenkaay,
Hoodiyo Ayaanley,
Haybad iyo Hanaanley,
Hooshaar Haldhaaley,
Muuqaal Hilaacley
Hogoshiyo Xishoodley,

*** ***
Goortaan Is-hanannaa,
Jannadii Ifkaba Helay,

*** *** ***
Fadad Sagal Hagoogtaay,
Nalka Haga Naftaydaay,
Haku Xabag-barsheeduu
Muddo Haybinayaay;

Hirasho Xil-qaadley
Haye Same Dul-qaadley,
Hide Same-goobaadley,
Haasaawiyo Malabliyey,
Garashiyo Hubsiimaley,

HALKAN KA DHEGAYSO HEESTA