Nairobi: In ka badan 100 Qof oo ku Le’day Dab ka kacay mid ka mid ah Dhuumaha Shiidaalka qaada

Nairobi, (SLpost)- Sida ay sheegeen Booliska Dalka Kenya dad ka badan 100-qof ayaa ku dhintay magaalada Nairobi, ka dib markii ay qaraxday dhuun ka mid ah dhuumaha Shiidaalka qaada.

Qaraxa dhuunta Shidaal ayaa ka dhacay xaafadda Lunga-Lunga oo ah xaafad warshadeed, iyadoo ciidamada la dagaalama dabka ay isku dayeen inay damiyaan dabka oo aad u xoog badnaa, ayaan ku faafin xaafado kale.

Dhuumaha Shidaalka ee qarxay waxay ku yaallaan xaafad ay dadku ku badan yihiin oo u dhexeysa faras-magaalaha Nairobi iyo garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in tiro ka badan 80-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba loo qaaday Cusbitaallada si loo daweeyo. Sarkaal u hadlay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in dadka badankoodu ay yihiin kuwo si xun u gubtay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay qaraxa dhuumaha Shidaalka xambaara, iyadoo sidoo kale aanay ka hadlin saraakiisha dowladda Kenya. Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa buuxiyay xaafada uu dabku ka kacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dhimashadu ay marayso 150-qof inkastoo dowladdu ay sheegtay inay hayso 100-qof oo dhintay.

“Xaaladdu aad ayay u xun tahay, waxaa jira dad badan oo dhintay markii ay gubteen,” ayuu yidhi ku-xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino oo la hadlay warbaahinta. “Waxaa jira maydad badan oo weli maqan.” ayuu raaciyay hadalkiisa.  Goob-jooge lagu magacaabo Joseph Mwego oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu maqlay qaylo, ka dibna qarax weyn, markii uu eegayna uu arkay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.

Maaha markii ugu horreysya ee ay dad badan ku dhintaan Dalka Kenya dab ka dhashay Shiidaal, waxaase la xusuustaa in sannadkii 2009 ay ku dhinteen 100-qof deegaan lagu magacaabo Molo oo ku yaalla galbeedka Kenya ka dib markii uu dab ka kacay booyad shidaal oo gadoontay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net