Nageeye iyo adeerkii Samokaab

Nageeye waxa uu qur’aankii dhammeeyey gu’gan horraantiisii, waxa maanta xerada laga saaray qaalin 3 jir ah oo lagu maamuusay Diiriye. Macallin Diiriye waxay ku qaadatay in uu qur’aanka u dhammeeyo Nageeye laba gu’ iyo dhii-dhii. Subaxdii hiirta waxa uu ku jarmaadi jirey xaggaa iyo guriga macallin Diiriye oo in cabbaar ah loo socdo. Subax kasta waxa weheliya loox-qur’aan, khad iyo qalinkii looxa. Marka ay cadceeddu dhanka bari fallaadhaheeda iftiimayaa dhulka kaga soo ganto, iyada oo aad moodo habeenkii iney sii shiikhisnayso, ayuu isa soo rogaa si uu xoolaha xerada uga saaro.  

Nageeye waa duca-qabe hooyadii ku diirsatay, u jajaban hawsha reerka, dhago nugul oon hadal aan ku soo celin hooyadii, maalin oo dhan waa u hawl. Subaxdii xoolahooga waxa uu u foof-geeyaa laf xoogaa xaab-xaab ah ay xooluhu ka helayaan. Halkaas dhanna u ma dhaafiyo illaa inta cadceeddu godkeega isku hubsanayso. Markey cadceeddu maalin-badhka tagto, waxaa walaashiisa ugu yar loogu soo dhiibaa qaxwe, si aannu u harraadin.  

Duruufaha iyo waayaha ayaan u saamixin Nageeye in uu adhiga sii jiro, waxa uu eegga eegaa   lo’dooda, isaga ayaa reerka u weyn, cid kale oo lagu eego in ay xoolaha jirtaa ma jirto. Waa afar sac, laba galoof ah iyo laba irmaan. Nageeye waxa uu sii raacaa maalinta xoolaha la waraab geynayo lo’-jirta tuulada si aanu uga amban ceelasha, xooluhuna ula firdhad-hallaabin. Foof-geyntooda waa ka adag yahay, waxa uu ku ilaaliyaa duleedka reerka, fiidkana cadceeddu marka ay raadka dhiinka ah daruuraha kaga tagto wuu soo carraabiyaa. Ix, ax iyo ish toona ma yidhaa!  

Belwed kale ma leh, dhaqankiisu wuu raalli galiyey uunka inta aagga ka dhaw. Waa baarri aan baydh-baydhka aqoon. In muddo ahba waxa ay hooyadii ku taamaysay sidii ay magaalada u geyn lahayd, si uu wax u soo barto, naftiisa iyo ta reerkoodaba si uu u anfaco. Waqti jiilaal ah oo siigadii, boodhkii iyo buladkii ay Nageeye addimada kaga yaalaan ayaa baarka gaadhiga la soo saaray. Waxa weheliya bac calalkiisii ugu jiraan. Magaalada waxa kaga horreeya adeerkii Samokaab.

Judhiiba maryihii duugga ahaa waa laga beddelay, waxaa hore laga qorey dugsiga hoose, inta uu magaalada la qabsanayey waa la barbar socday. Maalintii uu hano-qaad is wadi kara noqday, waa laga hadhay. Maskax-furnaantu waa mid ay marwalba barayaashiisu ku ammaanaan, edebta iyo akhlaaqduna waa mid markasta ay ku jecel yihiin barayaashiisu. Wax uu tabayaa ma jirto oo ka maqan, cunno, cabbitaan iyo waxbarasho intaba wuu helaa. Weli muu dhammayn dugsigii dhexe, haddii se uu sii samro sannad kaddib waxaa uu dhammayn doonaa dugsida dhexe.

Indhaw iyo indoor ahba Nageeye wuu qalbi qaatan yahay. Wax aan col iyo abaar ahayn waa la kala qaadaaye, se yaa baas ee wiilkii duufsaday?! Isma oga, haddana da’diisa ma yaqaan. Weli waa laan curdin ah, aan ka fara bixin barbaarintii iyo tarbiyaddii waalid. Ma seexan, wuu salalaa, hurdana wuu ka saahidey. Fikir ka taag roon ayaa hirdiyey derbiyada maskaxdiisan curdinka ah. Qalinkii iyo tawaadii wey kala huleeleen, dugsi iyo duruusna wey is daayeen. Goor barqo ah Samokaab waxa loo soo sheegay in dhaweydba in aanu aagga dugsiga ka soo wareegin, muuqiisana aanay dhaayo saarin Nageeye. Samokaab judhiiba waxa maskaxdiisa ku soo dhacday, walaalkiisii kal hore kula sii dardaarmay iyo reerka uu kaligii shamac ifaya u yahay iyo sida uu rabo in uu u bakhtiiyo. Samokaab oon dhag la qabto aan lahayn ayaa guriga yimid. Cudbi waa ooridiisa, irridda ayay kaga hor timid, Samokaab oo isku buuqsan oon juuq ba u odhan ayaa soo dhaafay. Waxa ay qaadatay dareen ah in wax qaldan yihiin. Inta ay markiiba isa soo rogtay ayay soo daba dhaqaaqday.

Cudbi : “Xaaji maxaa maanta jira ee kaa soo xanaajiyey?” Intuu Samokaab soo jeestay isagoon uba jawaabin ayuu iyadii dib u su’aal ‘Nageeye miyaad aragtay?’ iyo ‘Hoogay e maxaa helay wiilka?’ ‘Naa ha I wareeririn e dhaayaha uun iiga qaad’”

Cudbi waatan oo yaab iyo amakaag u dhammaaday, kun su’aalood ayaa maskaxdeeda ku dhex durdurinaya dhan ay u qaadona ma taqaan. Waxaa intaa u dheer naxdin, beerka iyo wadnuhuba garaaca iyo cadaadiska jidhka aad mooddo in ay laba jibbaarayaan.

Cudbi: “Xaaji is daji, maxaa helay inankeennii Nageeye?”

Samokaab: “In dhoweydba waxa igu maqaalo ah in aannu dugsi ag marin, duruus uu dhigtana aanay soo dhowaan!!” “Ma bariiskiisa ayaan doonaa mise isagaan daba socdaa?  Reer dhan ayuu keligii qalin ka sitaa, markaas ayuu duruustiisii ka tagayaa, annagaa wax aragnay!”

Maba sii daahin, goor doondoonkiisii lagu jiro ayuun baa Cudbi loo sheegay in ay baladka ka haajireen, goor aan habeenna ahayn dharaar na aan ahayn.

Cudbi: “Alla naxdin weynaa yaa dhulka kula jara, bal eegga maxaa ka maqan ee aqalkooda ka kaxeeyey, wey oo wey!!”

Ruux raqdiisa iyo noloshiisa arkey wali lama sheegin, Nageeye illaa eegga la ma yaqaan nolol iyo dhimasho midka lagu tiriyo.

Xasan Maal

Kampala, Uganda

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib