Naftii-hure

Waa abuurane barakaysan oo la maamuusay. Wax Rabbi uumay isaga ayaa ugu horreeyay. Jiritaankiisa ayay sooyaalka dunida iyo aqoontuba abaal weyn u hayaan. Mucjisooyinkiisa ayay ka mid tahay in uu xidhiidhiyo afkaarta bani’aadamkii kumanyaal sano ka hor jiray iyo kuweennan hadda jooga. Insaanka dunida ku uummani muu is fahmeen haddii aanu isagu isku sidkin. Haddii aynnu jiritaankiisa dunida ka tirtirno waxa innoo soo baxaysa duni kale oo mugdi ah oo haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aanad waxba arkaynin. Duni kala faquuqan oo aan af iyo fikir midna isku fahmin. Duni aan ujeeddo iyo ka-jeeddo toona lahayn oo qof walba ogaalkiisu yahay inta ishiisu gaadho oo kali ah. Qiimehaas uu dunida u leeyahay iyo waxtarkiisaas if iyo aakhiroba gaadhsiisan awgii ayuu Rabbi abuuraneyaasha isaga ugu hor abuuray islamarkaana magaciisa ugu dhaartay.

Haddaba, waxa isweyddiin mudan: sidee ayuu u xidhiidhiyaa afkaarta kala xilliga, kala dunida iyo kala nooca ah? Sidee ayuu aqoonta u tarmiyaa oo kawnka oo dhan ugu fidiyaa? Sidee ayuu naftiisa u huraa? Qaab noocee ah ayuu abuuranehani u shaqeeyaa?!

Si uu makhluuqani u soo gudbiyo fikir, sooyaal ama aqoon kale waxa uu isu dhiibaa oo uummane kale oo boqollaal jeer ka awood badan. Inta uu kor u dallaco oo foorariyo ayuu madaxiisa minjo u rogaa. Sallax, saan, dhagax, loox, xaashi ama oogo kale oo fidsan ayuu madaxa ugu xoqaa. Si aan arxan lahayn ayuu afkiisa dirrida ugu xaquuqaa. Miskiinkii yaraa ilkaha ayaa judhiiba ka daata. Dhiig, dhuux iyo dheecaan wixii dareere jidhkiisa ku jiray ayuu ka soo tuujiyaa oo sida matagga afka ka soo shubma. Xarriijimaha iyo summadaha dheecaankiisu oogada ku dhigo ayaa noqda dhigaal faca jooga anfaca, jiilasha soo socdana dhaxal u noqda.

Advertisement

Marka uu muudku ka idlaado ayuu dabool jiq ku ah madaxa u geliyaa. Isaga oo aan hiinraag dhammaysan ayuu naqaska ku dhejiyaa dabadeedna muguujiyaa. Abuuranehaas yari waa naftii-hure noloshiisa u hibeeyay horumarka iyo badhaadhaha bani’aadamka. Haddii summadahaas dheecaankiisii oo dhami ku dhammaaday ay sidaan fikir fayow ama aqoon fiican waa uu farxaa. Ka ma murugoodo mashaqada soo gaadhay iyo dhibkii uu soo maray. Waxa uu qudhiisa ugu hambalyeeyaa in uu guul weyn soo hooyay oo shaqadiisii qabsaday. Haddii se wixii uu naftiisa ku waayay noqdo wax aan dhib mooyee insaanka dheef u lahayn waa uu marooro-dillaacaa. Haddii uu qaylin lahaa carrab ma leh oo juuq ka soo bixi mayso. Qalbiga ayuu ka ooyaa laakiin cabaadka nudaygiisa ka baxaya cidi maqli mayso. Dheecaanka yaan lagaa tuujin ee cesho ayuu is yidhaa oo miyuu celin karaa saw tan belaayo ka itaal rooni buquujinayso ee feedhaha is dhaafisay. Niyadda ayuu xumaanta ka diidaa, laakiin diidmadiisu mid la dareemi karo ma aha. Tamar kale ma hayo, waxa se uu ku tallamaa oo qalbiga isugu qaboojiyaa in ay ilmaadeerradiisa ka dambeeyaa sixi doonaan qaladkii isaga lagu qasbay.

Qalinku waxa uu innoo huraa jiritaankiisa oo dhan si uu cilmi iyo waayo-aragnimo innoogu soo gudbiyo, haddii kale warkeennu hodhodho’ iyo hadal aan meel haysan ayuu noqon lahaa. Waxa uu innoo dhiteeyaa sooyaalkii hore iyo aqoon dhammaystiran. Alle ha u naxariistee Cabdi Sinimoo ciyaar u ma maansoonin kolkii uu ku balwaynayay:

Wixii la qoraa, quruumo hadhee

Muxuu hadal qiime leeyahay !

Hadraawi baa isaguna dhinac kale ka eegay oo xusay in uu qalinku wax oddoroso oo uu qofka yoolkiisa ku simo, sidoo kale uu yahay saaxiib dhow oo nasteex ah, waxa uu yidhi:

Qalinkaa wax suureeya,

Kugu sima halkaad doonto,

Saaxiib kal furan weeye.

Mar kale ayuu M.I.W Hadraawi maansadiisii Quduro ku sheegay in uu qalinku innoo kaydiyo sheekooyin, dhacdooyin, mahadhooyin iyo qodobbo kale oo layaab leh. Waxa uu yidhi:

Muxuu qalinku sheekiyo,

Qubaneha dharaartiyo,

Hadba qodob layaabliyo,

Mahadhooyin qorayaa !!

Qalinku waa maaddo wax lagu dhiso ama lagu horumariyo, dhanka kale waa gantaal wax lagu burburiyo. Waa dawo cudurro halis ah lagula tacaalo, mararka qaarkoodna waa sun belaayo fidisa. Waa awood dhankii la doono wax loogu beddelo. Malaayiinka fikradood ee maskaxda qoraaga dhex mushaaxaya ayaa habka saaqidda ugu gudba oo dhuuxiisa muquurta. Isaguna xaashida ayuu isu dhaafiyaa, kolkaas bay iyaduna bani’aadamka u gudbisaa. Xaashida lafteeda ayaa halgan adag ku jirta. Waxa nabar iyo xarriijin korkeeda ku yaalla ayay u dulqaadatay. Nabar kastaa macne buuxa ayuu insaanka u tebinayaa. Waa boogo haddii ay bogsadaan bani’aadamku bukoonayo. Waxaas oo dhaawac ah waxa ay ugu adkaysatay si ay qalinka uga la qaybqaadato ololaha cidhibtirka jahliga iyo dib-u-dhaca.

Labadan naftood-hure waxa la shaqeeya naftii-hure saddexaad. Waa maaddo jidhkeeda u gubta si ay qalinka, xaashida iyo qoraaga u caawiso. La’aanteed qoraalku waxa uu noqon lahaa calaamado aan macnahooda la fahmi Karin oo xaashida korkeeda ku filiqsan. Qorrax, nal, shamac, dab, faynuus, tiriig iyo toosh ka aad doonto u bixi. Qaaca ka baxaya iyo qiiqa ka boodaya ee uu naftiisa ku shaaxidinayo waa uu u badheedhay. Waxa uu naftiisa u halaagay ayaa ah in uu saaxiibbadii kala qaybqaato la dagaalanka aqoon-darrada.

Qalinka, xaashida iyo iftiinkuba qoraaga ayay u adeegaan. Waa adeegeyaal ee ujeeddo ma aha. Qoraaga ayaa ah naftii-hureha koowaad. Fikradaha iyo dareennada gubaya ayaa ku dhaliyay in uu wax qoro. Saq-dhexe oo aanu san-ku-neefle soo jeedin ayuu kursi iyo miis fuushan yahay oo qalin iyo xaashi is dul hayaa. Goleyaal iyo suuqyo il-yartu is qabatay ayuu gooni u faqayaa si uu dareennadooda, baahiyahooda iyo tabashooyinkooda u soo gudbiyo. Inta uu gaadiid indho-sarcaad ah fuulo ayuu budulkii sooyaalka dib u raacaa oo uu dadka u soo tebiyaa wixii dhawr kun oo sano ka hor dhacay. Isaga oo waaqaca iyo waqtiga la joogo ka soo dhiraandhirrinaya ayuu mustaqbalka oddorosaa. Qof kasta aqoonta ku duugan in uu dibadda soo dhigo ayuu taagtiisa isugu geeyaa. Il-bidhiqsi kasta waxa maskaxdiisa iswaydaaranaya farriimo kala jaad ah. Isaga oo aan is ogeyn ayuu waxa gubaya qalinka oo saaxiibkiis ah  u gudbiyaa, isaga oo hoos ugu heesaya:

Hinji nabarka qalinyahow,

Hohe leebkan igu mudan,

Waxba haw la kala hadhin [M.I.W Hadraawi]

Xoog, xoolo iyo xirfadba waxa uu isugu geeyaa in uu xaqiiqooyin soo tebiyo. Waxaas oo hawl ah waxa u diray damiirka ku jira iyo aqoonta ku duugan. Sababta oo ah qofna wax aanu aqoon u lahayn wax ka ma qori karo, haddii uu isku qaadona waa uu ku fashilmaa, sidoo kale qofna haddii aanu damiirku gujinin ku ma dhiirrado in uu wax qoro. Sidaas darteed, qoraa kastaa waa aqoonyahan, laakiin aqoonyahan kastaa qoraa ma aha, sida abwaan kastaa aqoonyahan u yahay balse aanu aqoonyahan kastaa abwaan u ahayn oo kale. Si wax loo qoro waa in aqoon la helaa. Aqoontaas waa in la bartaa oo aqoonyahan la noqdaa. Aqoonyahankaasi waa in uu saxansaxada qoraalka nuugaa oo uu niyaddiisa ku abuuraa in uu wax qori karo. Qoraagu waa in uu qalab helaa dabadeed wax ku qoraa. Waxaas la qoray ayaa aqoon ah. Sababtaas awgeed ayaynu u odhan karnaa aqoontu iyada ayaa is-qorta. Shaxanka hoose waxa uu muujinayaa xidhiidhka ka dhexeeya aqoonta, aqoonyahanka, qoraaga, qalabka qoraalka iyo qoraalka laftiisa.

 

In uu gabyaagu maanso curiyo waxa ku dhaliya dareenno kala duwan sida: cadho, farxad, naxdin, murugo, jaceyl iwm. Sidaas si la mid ah ayuu qoraaguna curintiisa ugu bineeyaa dareenno kala jaad ah oo soo jiitay iyo tabashada ummaddiisa. Waa laba curinood oo wax badan wadaaga, hasa-ahaatee kala nooc ah. Fikradda mawduuca ayaa marka ugu horreysa ku soo dhacda maskaxda qoraaga. Inta badan haddii aanu fikradda markiiba qalinka la gaadhin waa ay ka duushaa. Kadib fikradda ayuu su’aalo badan iska weydiiyaa. Fikraddani ma togan tahay mise way taban tahay? Faa’iido intee leeg ayay bulshada u leedahay? Dhambaalka aad rabto in ay dadka u gudbisaa muxuu yahay? Sidee ayay fikraddani is-beddelka aad rabto u keeni kartaa? Qaabkee ayaad u soo gudbisaa? Ma hab mawduuci ah mise qaab sheeko ah? Ma buug baad ka dhigtaa mise qormo kooban? Xaggee ayaad ka bilawdaa? Ujeeddada ugu dambaysa ee aad ka leedahay maxay tahay? Ikk. Haddii se aanu qoraagu waydiimahaas maanka gashan qoraalkiisu ma tis-qaado natiijo uu jeclaystaana uga ma soo noqoto.

Qoraaga waxa saaran masuuliyad culus, sidaa awgeed, waa in uu in badan iska hubiyaa qoraalka uu dadka la wadaagayo. Waa in uu isha iyo baalka ka haadiyo oo qormo hufan soo tebiyaa. Waa in uu qalbiga ku hayaa in qoraalkiisu gaadhi doono dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada. Waa in uu qormooyinkiisa ka ilaaliyaa eexda, qabyaaladda, kooxaysiga, caadifadda, beenta, degdegga iyo guud ahaan deelqaafka. Aaaah! Waan ka raalli-gelinayaa qalinka in aan cabbaar dhuuxiisa gororinayay, waxa se uu raalli-gelinta iga oggolaanayaa oo waliba ku farxayaa haddii uu qormadaydan u arko mid dadka waxtaraysa. Xaashida lafteeda nabarrada aan gaadhsiiyay haddii ay dadka dhayaan way ii garaabaysaa. Ma se ogi in ay sidaas u dhici doonto, bulshada ayuun baa taas garan karta.

Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

Aadancadde28@gmail.com

Follow us On