Nafteyduun-bay ilaa Xantaan! – Sheeko Xiiso Badan- Weriye Mustafe-Janaale

Oday Faarax waa nin weyn oo aad loo garanyo. ma jecla inuu dhulkiisa hooyo meelna uga baxo, waxana uu ku nafisa salaanta aroortii dadka garanayaa ku qaabilaan.

Marka uu suuqa dhexdiisa talaabsanayo ama uu qaadayo waddaada weyn ee halbowlaha u ah Hargeysa, gaar ahaana uu ku beegan-yahay Cusbitaalka weyn illaa aaga Madaxtooyada waxa aad dareemaysaa haddii xataa aanad garaneyn in si weyn loo qiimeynayo. taasoo ay kuu cadeynayso bariiradda dadka ay jidkaa ku kullmaan uu ku qabo.

Advertisement

Inta badan aroortii marka uu koobka bunka ah oo aad moodo inuu qabatimay u doontaa makhaayad Cayiman oo Badhtamaha Hargeysa ah. mudada uu halkaas ku suganyahay, waxaan laga ag-waayin dad badan oo aad sheekadiisa u dhageysta.

Ma jecla odaygu, is-qaad qaadka iyo inuu dadka iska dhaadhiciyo,waa kaftan yaqaan ILAAHAY ku maneystay aftahamo iyo balaaqad uu ku suureeyo xaalad laga soo gudbay, ku odoroso waayaha soo fool leh, kuna faaqiddo marxalad markaa lagu jiro.

Oday Faarax, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxay makhaayadii uu bunka ka cabi jiray isugu yimaadeen Nin la yidhaahdo ‘Nuur’ oo muddo lix sannadood ah ku maqnaa Qurbaha oo dalka dib ugu soo noqday, oday-na Faaraxna ay saaxiibo aad isugu dhaw ahaayeen. dabadeen inta uu Nuur soo kacay oo uu isa soo kor taagay Oday Faarax oo bunaynaya, waxaa uu luuqad Soomaali iyo ingiriisi isugu dhaf ah haddana jacbur u muuqda ku yidhi. ‘Wajigaagu wuu igu sawiran yahay oo iguma Cusuba I Know well you; Markaas ayaa oday faarax-na ugu hal-celiyay, haddii aad igaranayso kumaan ahay “Waxaan filayaa inaad is bedeshay, waadigan cireystay”.

Oday Faarax oo ahaa nin kaftan yaqaan ah, ayaa dhoosha ka qoslay, waxaana uu ku maahmaahay maah-maah caan ah “Aduunyadda nin noolow maxaa aragti ku laaban” Waar taasina ma ii danbeysay !!!.

Ninkii Nuur ayaa haddana ku celiyey oo yidhi “Wajigaagu maskaxdayda ayuu ku soo noqnoqonayaa, hadana magacaagi ma soo saarayo………….., ee isku kay sheeg adiga oo mahadsan”!

Oday Faarax oo la kaftamaya Nuur ayaa waxa uu yidhi “Waar Nuur waa mar-dhoof iyo caadiye ma kaa dhabaa oo I garan-maysid mise waxaad iila timid wixii qoladii qurba-jooga ahayd lagu xaman-jiray oo waad is-caruureynaysa,……………….. waxa iga yaabiyey nin ayaa inta uu dhowr sanadood dalka dibada uga yara baxo ayuunbuu ku odhanayaa ku garan-maayo. waxan ay cunaan ayaan garanwaayey ee dadka ilowsiinaya”.

Qosol, ayuu ku dhuftay Nuur makaasu yidhi ‘Xaaji raali noqo, oo adiga oo mahadsan maad isku kay sheegtid’. Waxa uu ugu jawaabay Oday faarax ‘Waar Waa ninkii aad saaxiibka ahaydeen ee Oday Faarax..markaas ayaa Nuur soo booday oo uu ku yidhi waan isku kaa hayey maanta oo dhan ma isagiibaa mise maaha Alla saaxib markaasu salaan shafka ka bilaabantay ku jujuubay oday Faarax’

Ka dib markii ay kaftan iyo is xaal-wareysi badan makhaayadii bunka uu ku dhexmaray labadii saaxiib ayaa waxa si yar oo fudud afkiisa uga soo baxday Oday faarax oo uu ku yidhi Nuur ‘Waar waxaan idin weydiiyay ‘qoladiinan dalka fasaxyada ku yimaadaa, maxaad Nafteyda iila xamataan markii la’idin arkaba, idinkoon waxna nagu soo kordhineyn.”

Markaas ayuu qosol kaga kacay Nuur oo uu ku jawaabay. ‘Saaxib kaftanka halkaa ha’ii dhaafin, maantana aniga ayaad I macsuuman tahaye’.

Intii aanay tagin goobtii casuumada waxa uu Nuur quurba-joog weydinayaa Oday Faarax ereyo ay ka mid yihiin dadkeenu weligood il-biximaayaan waa maxay guryahan isku wada nashqada ah, bal hoos u eeg laamaydan burburay, bal halkaa inooga leexi siigadan ay baabuurtu kicinayso ayaaba laga qaadayaa Duraye sideed ugu nooshihiin meesha.! Waa maxay askartan meelkasta taagan? sowtii la lahaa doorasho ayey galeen oo dimuqraadiyad ayey qaateen,….Maxaanse taa kaga daalayaa waxaaban arkay sida ay u hadlaan marka ay Wefti ka socda xukuumaddu noogu yimaadaan qurbaha halka ay ka abaaraan hadafka siyaasadeed ee ay ku hagayaan dalka, hadaanu nahay qurba-jooga nama soo maraan annaga ayaa tilmaami lahayne,laakin waxay u tagaan xildhibaano hoosaadyo ka tirsan aqalada xukuumaddaha reer Galbeedka, Markaasu Oday Faarax ku yidhi Nuur “Oo maxaad sameyn lahayd haddii ay soo maraan adiga iyo koox aad isku fikir tihiin,!, dabadeedna waxa uu ku jawaabay Nuur qurba-joog oo la sheegay inuu qaad-wale ka ahaa London “Waxaan u gayn lahayn ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha ugu sarsareeya shirgudoonka baarlamaanka

Ingiriiska. Oday Faarax oo aad moodid inay cadho ka yara muuqato ayaa waxa uu yidhi “Waar yarkii ina hebel ee dhawaan ka yimid London sowtii uu igu yidhi markii aan ku weydiiyey London ayuu Qaad-wale ka yahay.”Dabadeed inta uu kor u booday Nuur oo uu waji cadho leh ku soo eegay Oday Faarax ayuu ku yidhi “Waar ma waxaad maqashay xaasidiinta iyo kuwa aan I gaadhi Karin ee xaqiraada ila daba socda, hada garoo waxa uu dafirayaa shaqadiisi rasmiga ahayd, dabadeed waxa uu Faarax ugu jawaab celiyey ‘Waar adeer waxaan maqlay waa  Qaadwale haddii ay ceeb tahay iyo haddii aanay ahayn-ba kuwa kale ee inoo yimaada ee Wasiirada loo dhiibo ama xilalka u soo doonta dalka waxa la yidhi waxa soo eryey xaasaskoodi, qaarna waxyaabo kale ayaa lagu sheegayayoo.!


Markaasu Nuur qurba-joog odhanayaa waar maxaa lagu sheegayey? Anigu odhanmaayo way isku buuqeen oo ninweyn ayaan ahayoo!

Waxay gaadhay casuumadii ha joogtee, inay Nuur iyo Oday Faarax kala hadhaan inta aanay gacanta iskula tagin,

La Soco qeybta 2aad ee sheekadan oo aad u xiisa baddan………………..  

Mustafe-Jannaale

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

Follow us On