“Nabaddaan haysano Qaarbaa ku daaca-Qudhmaya, Madaxnimada somaliland waa loo dhintay…maaha Muuse ku dumi, Qaranimadaa ka weyn” – Eng Faysal Cali Waraabe

“Waligeedbaa Xisbiyadu somaliland isku qaban jireen doorasho ,waxaase hada jira gacmo shisheeye ,waa lagusoo duulay somaliland “

 

“Baarlamaankeenna maanta waxa gacanta ku haya nin aan la soo dooran oo is xanbaar ku yimi. Sidee ayuu nin la soo doortay ku xukumikaraa”

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa ka hadley arrimo badan waxaana uu gudoomiyuhu markii ugu horreysay ka hadley arrin maalimihii ugu dambeysay muran weyn dhalisay taasi oo ku aadaneyd in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobollo iyo deegaanno ka mid ah Somaliland.

Sidoo kale Eng Faysal Cali Waraabe Waxa uu ka hadley arrinta Doorashooyinka Somaliland oo ay isku mari laayihiin qaar ka mid ah xisbiyada ee Somaliland.

 

Faysal Cali Waraabe ayaa dhanka kalena eedo culus u jeediyey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isagoo ka jawaabay hadallo hore uga soo yeedhay.

 

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in khilaaf siyaasadda ee ka jira Somaliland salka ku hayo faro-gelin dibadeed oo aanu carrabaabin cidda ay tahay iyo cidda loo adeegsanayo, waxaanu ku baaqay in la kala ilaaliyo mucaaradnimada iyo Qaranimada.