Nabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh – Eng Mohamed Farshaxan

Eng Mohamed AliMarka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba. Waxaan Allaha awoodda weydiisanayaa ,inuu innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,xaqa  u hiiliya, dulmigana ka fogaada.

Bal aan qaddar is dul taago , Rabbi hadduu qadarana aan wax ka idhaahdo   sababta & ujeedada aan u holaday Qalinkayga afka fiiqan ,ee ka madhan dharabta Qabyaalada , runta & waaqaca dhabta ahna, aan cidna uga aabo yeelin.

Nimcooyinka Rabbigeen (SWT) uu bixiyo,ee qasanadihiisa aan dhammaadka lahayn ceegaaga,lama soo koobi kaaro,maamulkooda & maareyntoodana,cidna kama talo galiyo.Nabad gelyadu,waxay ka mid tahay badeecadihiisa Qaaliga, een cuud & mood toona aanay kuu goyn karin,balse Alleh cidduu doona u fidiyo…Haddaba,anigoo Nabad gelyadaa Rabbi Somaliland siiyey ka duulaya, waxaan leeyahay ,qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh.

Waxaan shaki ku jirin,in Nabad gelyada Jamhuuriyada Somaliland ka jirtaa,aanay waddamo badan oo caalamka ka mid ahi aanay haysan,kol ay ku tahay kuwa awooda buuran sheegta.Taana waxaa u daliila,  dhacdooyinka  dhiilada & murugada xanbaarsan , ee maalin walbba war baahintoodu soo gudbiyaan. Haddaba, Su’aashu waxay tahay,Dal xasiloonidii dalkiisa & dadkiisa u maaro waayey,inuu Dal kale Nabad galyadiisa wax ka sheego,miyanay ka dhignayn,”Maroodigu takarta saaran ma arkee ,kan kale takarta saaran ayuu arkaa.”

Midda kale,Waxaa cashar ugu filan,annagana sharaf &  karaamo noo ah, in   Madaxweynahayagu,
mudane, Mujaahid Axmed Maxamed Maxammud (Siilaanyo), iyadoo aanqori & taangi toona aanay hareer
socon,inuu tamashleeyo Caasimada Somaliland ee Hargeysa,shacabkiisana ku gacan qaado.
Bilaa caleek,miyaanan odhan karin ,waxay istaahishaa mahadhadii uu ka tagay Gabayaagii
weynaa ee Salaan Carabay,  uuna lahaa,” Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolana i siine,
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.”

Aan u dhaafo, Shaqsiyaadka Nabad gelyada Dalka ka been abuura,saxaafadda beelaysan,
Abwaan isku sheegyada & dha dhamo raacyada ku qadhaabta Qaran dumiska,Qabyaaladda,bulsho kicinta,xaalad abuurka,una adeega cadawga Somaliland…waxaan iyaga leeyahay, Nabad gelyada & Qaranimada Somaliland abid liici mayso,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo),waa Halyey Qaran,oo Dalkiisa & shacabkii soo doortayba, ay  cisi, sharaf & karaamaba u hayaan,ee qoomamo la’aada.

Intaan tawaada & qalinku isku idlaan, bal aan qormadan ku soo afmeero,Nabad gelyada Somaliland,waa Deeq Rabbi innagu galaday,ee qof walawba Subxaanaw waa mahadaa dheh,Dal kale iyo cid kale toona ,karaamadeena waxba uma dhimi karaan.

Waxaan idinku dhaafayaa,naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatimadana kheyr ugu khatimo.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)