Muxuu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaatay Taakuleynta iyo Gurmadka Abaaraha Gobollada Bari?

Burco (SLpost)-  Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isaga iyo weftiguu hoggaaminayaa ay socdaal ujeedkiisu yahay gurmadka Abaaraha deegaanada bariga Somaliland u joogaan magaalada Burco, ayaa ka hadlay qaadhaan raashin ah iyo deeqo lacageed oo biyo dhaamis ah ba ku wareejiyey guddida abaaraha heer qaran ee Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in abaaraha ka jira deegaanada barigu ay yihiin kuwo mudan in mucaarad iyo muxaafad ba si wada jir ah looggu gurmado isla mar ahaantaana ka Xisbi ahaan ay wixii taageero iyo taakuleyn ba ah soo gaadhsiinayaan guddida Abaaraha heer gobal iyo heer qaran ee Somaliland.

108a9029Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan ay wada qaateen badhasaabka Gobalka Togdheer iyo guddida abaaraha Somaliland, waxa uu sheegay inaanay xisbi ahaan xukuumadda kula tartami karin bixinta qaadhaanka loogu gurmanayo gobollada Abaaruhu saameeyeen ee Bariga dalka.

“Waxaana aanu halkan u nimi in aanu xogogaal u noqono xaaladda ba’an ee abaaraha gobalka oo aanu doonayno in aanu dareenkaa la qeybsano shacabkayaga wixii taakulo ah ee Tamar ah ee Xisbigu awoodo na ka geysto, ujeedada aanu halkan u nimi waa xaaladdaa ba’an ee abaarta ee ka taagan goballada bari gaar ahaan gobalka Togdheer, gobalka Sanaag iyo gobalka Sool ba, markaa Xisbi ahaan waxa aanu go’aansanay in aanu xog-oggaal na u noqono wixii taakulo ah ee taageerayaashiisu soo ururiyeena aanu kaga qeyb-qaadano oo aanu ku wareejino guddida abaaraha heer qaran iyo guddiyada ka dhisan goballada,” ayuu yidhi Md Cirro, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “markii aanu la xidhiidhnay ee aanu xog waraysanay guddida iyo maamulka gobalka ba si fiican bay nooggu xog warameen, waxa kale oo aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran ee Somaliland, guddidii abaarahu waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer oo reer Burco u bixiyeen Qabyo-tire, anagu na magacaas waanu la qaadanay oo odey Qabyo berigii hore saaxiib baanu ahayn isku xisbi na waanu ahayn intii aanu KULMIYE galin, runtii aniga oon hortiisa uun ka lahayn gobalku aad bay u qiimeeyeen shaqaddiisa, anna shaqaddaas badan waan ku oggaa markaanu isku xisbiga ahayn, waana u mahadnaqaynaa badhasaabka gobalka Togdheer,” sidaas ayuu Md Cirro.

Isagoo ka hadlayay xaddiga qaadhaanka ay xisbi ahaan ka geysteen taakuleynta Abaaraha, waxa uu yidhi, “Markii aanu la xidhiidhnay guddidii abaaraha heer qaran waxa ay soo wakiisheen badhasaabka gobalka Togdheer, deeq yar oo aanu sidnayna waxa aanu u nimi aanu ku wareejino badhasaabka, deeqdaas na waxa aanu ugu tallo-galnay saddex gobal oo ah goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool ba, dhammaan goballadii ka farcamay gobaladdaasna waa ay ku hoos jiraan. Deeqda aanu maanta halkan ku wareejinaynaa waxa weeye 2000(Laba Kun oo Dollar) oo Kiish oo Raashin ah iyo 100(Boqol) Booyaddood oo biyo ah, Rasiidhka lagu soo raraayo Raashinka waa kaa iga guddoomay Badhasaabku, waxa kale oo aanu biyaha ugu tallo-galnay $20,000(Labbaatan Kun oo dollar), Labbaatankaa Kun ee dollar ee biyaha aanu ugu tallo-galnayna waxa aanu ku wareejinay iyada na badhasaabka.”

“Waxa kale oo aanu doonaynaa in aanu saddex siyood aanu uga qeyb-qaadano abaaraha, qeybta koowaad waa qeybtaa aan wareejiyey ee ah qeybta Xisbiga WADDANI oo laga soo ururiyey dad khayr qaba oo halkan aynaan magacyaddooda oo dhan ku sheegi karin oo taageerayaasha gobalka ah. markaa qeybta kale waxa weeye maamuladda goballada oo aanu u xil saarnay iyagu na isu xilqaameen in ay taakuleyn kaga qeyb-qaataan abaaraha Somaliland, wixii ay iyagu na ururiyeen waxa aanu ku wareejinaynaa guddida gobalka oo ah deeq dhan 100 kiish oo raashin ah(Boqol Kiish),” Sidaas ayuu yidhi Md Cirro.