Muxuu Wasiir Samaale ka yidhi Go’aamadii Golaha Guurtidu ku xalisay Khilaafkii Kala qaybiyey Golaha Wakiillada?

Muxuu Wasiir Samaale ka yidhi Go’aankii Golaha Guurtidu ku xalisay Khilaafkii Kala qaybiyey Golaha Wakiillada?Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay Xalka laga gaadhay khilaafkii Golaha Wakiillada u kala qaybiyey labada garab iyo dareenka ay shir-guddoonka Wakiilladu ku ajibeen go’aamada Guurtidu ku dhex-dhexaadisay Mucaaradka iyo Muxaafadka Golaha Wakiillada.

Guddi Golaha Guurtidu u xil-saaray dhex-dhexaadinta Khilaaf Golaha Wakiillada ka soo laba-kacleeyey Sabtidii toddobaadkii hore, ayaa shalay Sabtidii soo saaray go’aamo ay sheegeen inay ku soo afjarayaan Khilaafkaas, isla markaana gaadheen markii ay dhagaysteen dacwadda iyo doodda labada dhinac ee Wakiillada Khilaafku u qaybiyey ee Mucaaradka iyo Muxaafidka. Go’aamada ayaa lagu shaaciyey kulan wada-jir ah oo Goleyaasha Baarlamaaku shalay ku yeesheen Aqalka Odayaasha, halkaas oo shirguddoonku Shir-guddoonka Guurtidu ku shaaciyey go’aamada ay ka gaadheen Khilaafkaas, waxaana go’aammadaas sheegay inay aqbaleen Hoggaamiyeyaasha labada Garab ee Muxaafidka iyo Mucaaradka Golaha Wakiillada oo kala ah Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye Ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax oo dhinaca Mudanayaasha Muxaafidka hoggaaminayey.

Wasiir Samaale oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa,  waxa uu Golaha Guurtida ku bogaadiyey qaabka ay Guddiga Golaha Guurtidu u wejaheen guda-galka iyo gunaanadaka khilaafkaas, isaga oo dhinaca kale garabyada is-hayey ku hambaleeyey go’aan qaadashadooda iyo sida ay u ajiibeen shuruudaha guddiga Guurtidu u soo bandhigeen labada dhinac.

Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hore uga tirsanaa shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo uu soo loo doortay sannadkii 2005-tii doorashada Golaha Wakiillada, isaga oo ilaa 2012-dii ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada oo uu iska casilay, ka hor intii aanu madaxweyne Siilaanyo isla sannadkaas u magacaabin Wasaaradda Maaliyadda.

HALKAN KA DAAWO