Muxuu taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland ka yidhi in Sarkaal Sare oo Ciidaankiisa Ka Tirsan Lagu Dilay Hargeysa Iyo Sababaha Xadhigga Afar Weriye oo Maalintii afraad Xabsiga ku jira?

Hargeysa (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey saxaafadda oo sheegay in sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somaliland shalay Khamiistii lagu dilay xaafadda Siinay ee Magaalada Hargeysa, isaga oo dhanka kalena sharaxaad ka bixiyey hawlgalo ciidanka bileysku ka sameeeyeen Magaalada Hargeysa.

Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta u waramay qaar ka mida Warbaahinta, waxa kale oo uu sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo Ciidaanka bileyska iyo warbaahinta dalka ka hawlgasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la weydiiyey wax aka jira in war uu maanta daabacay Wargeyska Hubaal kaas oo sheegayay in xalay dabley hubeysan toogatay Sarkaal ka tirsan Ciidaanka Booliska Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Wax Alliyo wax ka jiraa ma jiro, waa war been abuura oo sal iyo raad-toona lahayn warkii ku soo baxay caddadkii maanta 357 ee Wargeyska Hubaal,kaas oo ciwaankiisu ahaa (Rag laga shakiyey oo xabsiga loo taxaabay iyo Sarkaal SPU-da ka tirsan oo shalay galab la toogtay),” ayuu yidhi taliye Fadal.

taliye fadalSidoo kale, Mar la weydiiyey Taliyaha wax aka soo kordhay hawlgalo Ciidanka Boolisku maalintii shalay ee Khamiistii ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Magaalada Hargeysa waxa soo kordhay ee dhacay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Hawlgalkii aanu shalay (Khamiis) ka sameynay Caasimada Hargeysa waxa uu ahaa hawlgaladayadii caadiga ahaa ee amniga lagu xoojinayey,wax kale oo soo kordhay ma jirto dalkuna waa nabadgelyo.”

Taliyaha oo la weydiiyey, sababta ay xabsiga ugu taxaabeen afar Suxufi oo maalintii Salaasada ee todobaadkii hore ay ciidamada boolisku qabteen, waxa uu ku jawaabay, “Mudaharaad aan sharci ahayn, oo aanay warqad ogolaanshiyo ahna u haysanin ayey galeen oo ay ku eedeeysan yihiin,” ayuu yidhi taliye Fadal, waxaanu intaas ku daray, “Weriyayaasha waxaanu horgeynay maxkamada, oo maxkamaduna way rumaan-gareysay, markaa hawshaasina annaga (Ciidaanka Booliska) wey naga gudubtay oo waxay u taala maxkamada.”

Mar la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal waxa ka jira warka sheegaya inay Ciidaanka Booliska Somaliland ay bar-tilmaameedsanayaan Weriyayaasha oo ay xidh-xidhayaan? Waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi wax ka jiraa ma jirto, in Weriyayaasha si gaara loo bar-tilmaameedsanayo oo waa been abuur sal iyo raad-toona lahayn,wax aan amar ku bixiyeyna ma jirto,waana wax u dhaqana Wargeyska Hubaal inuu been qoro oo waa war raqiis ah,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyuhu waxa uu ka hadlay halka uu marayo xidhiidhka ka dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Warbaahinta,  “Wax xidhiidh xumo ah oo soo kala dhexgalay Ciidaanka booliska iyo Saxaafadda Somaliland ma jirto,iyaguna (Saxaafadda) hawshooda ayey wataan, annaguna (Ciidaanka Booliska) hawshayadii ammaanka nabadgelyada ee aanu u xil-saarnayn ayaanu qabanaa,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

SOMALILANDPOST.NET