Muxuu sameeyey? – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Isagoo maraya meel aan naga fogayn oo u socda si ay ku jirto miyir qab, maamus qab iyo milgo qab, ayuu gaadhi ordaya oo askar fara badani saaran tahay oo aan dheg la qabto lahayni hal mar ag-joogsaday, intay sida roobka uga soo daateen ayey marqudha toban askari ku dageen sidii yeydii. Markaasay isugu dareen lag, feedh, budh, dhirbaaxo iyo garaacis aan loo aabo yeelin. Ka dib sidii shaadh la maydhayo ayey mar dhulka ku dhuftaan marna cirka u tuuraan. Mar qudha ayaanu ku soo xoonay falkan ay noociisu beri hore inoogu dambaysay, waana wakhtigii Max’ed siyaad dawladiisi. Waxaanu ku dhawaaqaynay “ muxuu sameeyey” iyo war uma haysaan , falkuu ku kacay.

Markay jilciyeen ayey sidii kiish bariis ah si wada jir ah gaadhigii ugu tuureen. Dadkayagii meesha ku soo ururay ayaa doodani na dhexmartay. Yaa garanayeyninkan? Qof gartaa la waayey. Dee wuxuu u ee kaa wadaada wax qarxiya? Ilaahaaga ka baqo wadaada xumaanta dusha ha u saarin. Waa runteed ninku wadaad ayuu ahaa, kuwan qabtayna, waxay ahaayeen R.R.U. booliska loo yaqaa. Oo maxay ahaayeen R.R.U-du? Waxa lagu xantaa ashahaado la dirir oo wadaad ayuu bay eryadaan.

 Oo ninku khamiis muu xidhayn, gadhkana wuu xiiray? Haa waa runtaa, laakiin kooxaha wadaadada qaar ka mid ahi gadhka ayey xiiraan,markaa sidaasi ula soco. Waynu siganay, waabu ina galaafan gaadhay. Oo muxuu inagu fali masaakiintan ciida cunaysa, waa halkii Sh.Aadan-siiree.  Oo kuwa maalin kasta adduunka lagu xasuuqo miyaanay masaakiin ahayn? Waa sidaa aad sheegtay, oo dadkan lagu qarxiyo dalka aynu  jaarka nahay ee Soomaaliya, ee maalin kasta ay dad shacab ahi dhuxul noqdaan, marka la qarxiyo. Laakiin ninkan weli wax dambi ah laguma cadayn karayo, waayo maxkamadi may xukumin. Waar iska aamus dambiile qiil ha u samayne.

Wuxuu noqon lahaaba nafba kamay kicin. Dee dawlada waa in laga baqdo, haddii kale cid kastaa way u soo qosli. Waar waxba ku hadli mayside, dawlad laga cabsado way ina soo martay, oo Max’ed Siyaad ayaa 21 sano xabad, garaacis, cagojuglayn iyo xadhig inagu waday, markaa dadka waa inay dawladu la saaxiibto, haddii kale waxay ina xasuusinaysaa keligii taliyihii madax adkaa. Adeer isku soo wada duuboo waa in dawlada laga baqo, iyana waa inay dadka u naxariistaa, ileyn tan waxba uma kala qarsoonee, waa halkii M/weyne Rayaale.

          Cali cabdi coomay

          Suxufi, qoraa ah.

         B.A in Journalism

        Hargaysa, somaliland

        calicoomay@hotmail.com