Muxuu Noqon Karaa Xalka Iyo Mustaqbalka Guurtida Somaliland – W/Q: Prof. Abdinasir I. Saacadaale

Inkasta oo aanay weli aqoonsi helin, horumar badan oo ay gaadhi kari lahaydna ka gaabisay, haddana 30sanno kadib wali Somaliland waxa ay si uun ugu sifaysan tahay in ay leedahay nidaam dawladeed oo xassilan isla markaana “shaqaynaya”; marka loo fiiriyo dawlad ka soo kabanaya colaado ba’an. Haddaba,Inkasta oo jiritaankaa Somaliland ee cago jiidka ah loo sibir saari karo arrimo badan,haddana mid ka mid aharrimahaas oo muhiim ah ayaa ah doorka dhaqanka iyo oday-dhaqameedku ku leeyahay nidaamka dawladeed ilaa markii la aasaasay. Isla falgal gelinta nidaamka dawladnimo ee casriga ah iyo qaab nololeedkii qabaliga ahaa ee Soomaligu waxa uu gacan wayn ka gaystay in uu is fahamsiiyo isla markaana xidhiidh togan ka dhex abuuro dawladda iyo qaab-beeleedka nidaamka bulsho ee Soomaaligu u habaysanyahay. Waxaanu gacan muhiim ah iyo door shariif ahbana ka qaatay xisilintii iyo unkiddii nidaamka dawladnimo xilliyadii dib u dhiska iyo sal-u-dhigidda qaranka hawshiisu bilawga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo qaabka hay’adeed iyo shaqada “Guurti”du ay sii kobcaysay laga soo bilaabo maalmihii SNM bilaabantay;xilliyo kala duwanna loo adeegsaday arrimo diblomaasiyeed iyo qaar nabadayneed intaba, haddana dastuurkii meel marka noqday sannaddii 2000 ayaa ah ka sugay sharcinimada ahaanshaha “Guurti”daee hayad dawladeed oo rasmi ah. Intii ka horaysay badhtamihii 2000, “Guurti”du waxa ay ahayd gole maamuus badan ku leh bulshada dhexdeeda iyada oo lagu majeeran jiray hawlihii ay qabatay xilliyadii SNM iyo doorkii ay ka qaadatay xillintii khilaafaadkii beelaha ee 90nadii, iwm. Si kastaba ha ahaate, waxa wax badani is badaleen wixii ka dambeeyey 2003 oo ah xiligii ay bilaabmeen dib u dhacyada doorashooyinka “Guurti”da, iyo kordhinihii waqti xileedka madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanku, iyada oo axsaabta mucaaradka ahina walaac ka muujinayeen kuna canaanayeen korodhsiimooyinkaa xidhiidhka iyo isu dhawaanshaha sii kordhayay ee Waaxda Fulinta iyo “Guurti”da. Gar iyo gardarro tii ay doontaba ha ahaatee, arrintani waxa ay bulshada dhexdeeda “Guurti”da uga abuurtay niyad xumo badan, iyada oo isla markaana si xoog ah u wiiqday kalsoonidii lagu qabay dhexdhexaadnimadooda,guud ahaanna xilligaa wixii ka dambeeyey shaqadii “Guurti”du ku soo ururtay mid maamuus (ceremonial) iyo in loo “arko” gole hadba cidda midida daabkeeda haysaa ku meelmarsato ajandaheeda, halkii ay ka ahaan jirtay marjac lagu wada kalsoonyahayoo loo laabto marka arrimuhu murgaan.

Dhanka kalena, walaaca sii kordhayay ee bulshada ka muujinaysay isku milanka dhaqanka iyo nidaamka dawladeed ee casriga ah waxa sii murgiyay in Somaliland gashay xilli taariikheed “labaad” oo ah qaadashadii nidaamka diimuqraadiyadda ku dhisan axsaabta badan iyo waliba u gudubkii xilli lagu tilmaami karo in uu ahaa “Xiligii ka dambeeyey xaalad-dejinta” ( post stabilization period). Xilligani waxa uu la kawsaday curashada doodo xoog badan oo ku qotoma doorka ay yeelanayaan, iyo qaabka hogaanka dhaqanku uga sii mid ahaan karo nidaamkan cusub ee dalku u guuray. Iyada oo dadbadani u arkayeen in is-diido ka dhex jirto dhiirigalinta in hogaan-dhaqameedku door heer qaran ah yeesho dawladnimida, iyo dhismaha hay’ado dhexe oo dawladnimo oo taabbogal noqda. Marka lagu daro in aanay hogaan dhaqameedku lahayn aqoontii iyo rabitaankii (incentive) ay kaga qayb qaadan kari lahaayeen dhiirigalinta iyo dhismaha hayado dawladeed oo qaban kara wixii ay iyagu qaban jireen iyo ka badan. Dooddan gundhigeedu waa in oday dhaqameedku nabadda wax ka dhisi karo hase ahaatee aanu dawlad dhisi Karin!

Intaa waxa dheer in “Guurti”da oo taariikh ahaan ahayd gole dhaqan ay si aan ku talagal ahayn isugu badashay gole siyaasadeed, markii golaha oo aan markiisii hore ahayn mid siyaasadeed noqday hay’ad sharci dejineed (baarlamaan) oo qayb ka ah nidaam dawladeed oo ku dhisan habka axsaabta badan. Sida curfiga ahaydi waa in aqalka baarlmaanku (sharci dejintu) noqdo hay’ad dimuqraadi ah oo xubnaheeda si toos ah dadku usoo doortaan. In sidan la yeelaase waxa ay ka hor imanaysaa xaqiiqada ah in aan hogaamiyayaasha dhaqanku ahayn qaar dimuqraadi ah oo muddo markii la joogaba la soo doorto. Marka dhankan laga fiiriyana waxa muuqanaysa in labada nidaam maamul ee midi dhaqanka ku salaysan yahay (customary governance) ka kalena yahay kan casriga ah ee dimuqraadigu aanay si fudud isu dhexgali Karin!

Hadana, si kasta oo dadbadani uga gaws adaygayaan kasii mid ahaanshaha hogaan dhaqameedka ee dawladda, haddana waxa aan la dafiri Karin in weli dawladnimadeenu daldaloolo badan leedahay. Iyada oo aan wali nidaamka dawladeed ee Somaliland si buuxda isugu wada fidin meelihii iyo sidii bulshadu uga baahnayd oo dhan. Tusaale ahaan, Maxkamadaha , Bilayska iyo guud ahaan hayadaha dawladeed waxa ay ku xoog badanyihiin magaalooyinka marka la barbardhigo meelaha kale. Gaar ahaan marka la fiiriyo arrimaha la xidhiidha “garsoorka” iyo “amniga” waxa inta badan dadka aan deganayn meelaha magaalooyinka ahi magan u yihiin inta badan sida xeer dhaqameedka iyo hogaan dhaqameedku hadba ka yeelaan.Tan macnaheedu waxa weeye in haddii wax ka dhacaan meelaha aanay weli kaabayaasha dawladnimo ku xoog badnayn, saraakiisha dawladduna aanay si fudud u gaadhi karin, hadii xattaa ay gaadhaanna saamaynta ay ku yeelan karaan yartahay; hoggaan dhaqameedka ayaa noqonaya jilayaasha u haboon.

Xaqiiqada caynkaas ahi waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo Doorka, Meeqaamka (position) iyo Masuuliyadaha ay yeelanayso “Guurti”du ka hogaan dhaqan ahaan. Iyada oo ay tahay in aan waxa laysku mashquulinayaa noqon sidii golaha looga dhigi lahaa mid dimuqraadi ah oo axsaabta siyaasadda ku milma, ee ujeedadu noqoto halkii la dhigi lahaa ee ugu habboon iyo sidii qaranka loogaga faaiidayn lahaa halka haybaddooda iyo xirfaddoodu wax tarka uga yeelan karto oo ah HEER DEGAAN.

Haddaba, hadii ujeedadu sida aan kor ku xusnay noqoto wax ka qabadka arrimaha degaan kasta u gaar ah iyada oo loo adeegsanayo ciddii hadba ku haboon, “Guurti”da ama hogaan dhaqameedka waxa ay tahay in ay qayb ka noqdaan qaab-dhismeedka Dawladaha Hoose, halkaas oo door muhiim ah oo ay arrimaha bulshada ka qaadan karaan uga bannaanyahay, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xallinta khilaafaadka beelaha hadba wada dega degaan gaar ah, marka lagu daro isku xidhka dawladda iyo bulshada degaanka. Dhanka kalena, qaabdhismeedka dawladeed in halkan laga geliyaa waxa kale oo ay sahlaysaa in hoggaan dhaqameedka laga xakamayn karo arrimaha siyaasadda intii suuragal ah.

Hadii la isla qaato fikirka ah in “Guurti”da loo daadejiyo heer Dawlad Hoose ama degaan, Dawladaha Hoose waxa ay ka koobnaan doonaan “Guurti” ama hogaan dhaqameed iyo xubnaha golaha degaanka ee laga soo doorto degaankaas.

Dhanka kalena, “Guurti”da degaanku waxa ay ka koobnaan doontaa Caaqilada diwaangashan ee degaankaas. In “Guurti”du noqoto caaqilada degaanku waxa ay sidoo kale kor u qaadaysaa xushmadda iyo taageerada ay ku dhex haystaan bulshada degaankaas, iyada oo isla markaana meesha ka saaraysa mad madawgii ku jiray sida xubnaha “Guurti”da lagu soo dooranayo.

Arrin kale oo aan ka ahmiyad yarayn taa hore kana dhalanaysa hadii “Guurti”da loo daadejiyo heer Dawlad Hoosaa ayaa iyana ah in ariintaasi cashuur bixiyaha iyo qarankaba u badbaadin doonto lacag badan. Tusaale ahaan, Sida haatan wax yihiin, waxa hadda shaqooyin mid laysaga dhigi karo laba lacagayow ku kala qaata Caaqilada iyo xubnaha “Guurti”da. Tusaale ahaan, shaqadii asalka ahayd ee “Guurti”du waxa ay ahayd xallinta khilaafaadka waana mid ka mid ah hawlihii sida caadiga ah ay ugu xilsaarnaayeen caaqilada iyo hogaan dhaqameedka beeluhu.

Marka la soo urursho, doorka cusub ee Hogaan Dhaqameedka ama “Guurti”du ka cayaari karto dawladaha hoose waxa lagu soo ururin karaa sadex arrimood:

  • Door la talineed, iyaga oo qayb ka ah maamulka degaanka hadba la joogo , waxa ay kala talin doonaan dawladda dhanka arrimaha la xidhiidha baahiyaha degaanka;
  • Door dhanka horumarka degaanka ah, kaasoo badhi taaraya dedaalka dawladda ee u abaabulka dadwayna dhanka ka qaybgalka iyo hirgalinta mashaariicda horumarka;
  • Door ay ku yeeshaan xallinta khilaafaadka iyo deminta colaadaha, dhankanina waa meel taariikhdu uga marag kacayso guulo badan oo hore’ hogaanka dhaqanka.

Si haddaba is bedal caynkan ahi u dhaqan galo waxa loo baahan doonaa shuruuc cusub iyo xattaa wax ka bedal lagu sameeyo dastuurka si loo sharciyeeyo qaab dhismeedka cusub ee dawladaha hoose. Iyada oo waliba sharcigan cusubi si faahfaahsan u sheegi doono awoodaha iyo shaqooyinka cusub ee ay “Guurti”du ku dhex yeelanayos dawladaha hoose.

Gebogabadii, inkasta oo aanu maqaalku ku doodayn in qaabkan oo loo maareeyo mustaqbalka guurtidu (hogaanka dhaqanku) uu yahay habka keliya ee saxda ah, haddana waxa hubaal ah in qaabkani uu noqon karo habka ugu hormuudsan qaababka laysku waafajin karo nidaamka maamul ee dhaqanka ku dhisan iyo kan casriga ah. Si kasta oo xaal noqdo, Waxa hubaal ah in “Dhaqanku” wali door ku sii yeelan doono nidaamkeena dawladnimo mudada dhaw, xilka inna saaranina uu yahay in aan u hello halka ugu haboon ee uu ka geli karo nidaamka dawladeed. Doodda maqaalku waa in doorka hogaan dhameedka loo daadejiyo heerka maamulka Dawladaha Hoose, oo aanay door ku yeelan sharci dejin iyo siyaasadtoona!

 

——————————————-

Qoraaga: Abdinasir I. Saacadaale waa bare jaamaceed oo takhasus gaar ah u leh lafagurka iyo dejinta Siyaasadaha Dawladda iyo Istiraatijiyadaha.

NB: Lafagur dheeri ah iyo qoraal faahfaahan oo arrintan maqaalku ka hadlayo ku saabsan waxa laga heli karaa academiyadda Daraasaadka Nabadda iyo Horumarka ee fadhigeedu yahay Hargiesa oo ah cidda maalgalisay.