Muxuu Noqon Doonaa Mustaqbalka Siyaasadee Ee Somaliland Hadii Aan La Helin İsbedel Dhab Ah. Qalinkii,Prof.Abdirahman. Qormadii 1aad

photo1Waxan halkan ku eegi doonaa sida ay noqondoonto mustaqbalka Somaliland inaga oo ka eegi doona dhinacyo badan oo ah qaababka bani adam ku ku cabiraan cimriga nololeed ee qoys,(family) bulsho(society), qaranba(nation)  dawlad (Government)  ilaa heer qaraded (continental) oo dhowr qaab side dib u eegida xaladihii uu soo maray dalal iyo xalada uu marayo hada oo loo geyay hiigsiga iyo hamiga hoganka dhabta ah oo ka turjumaya dareenka iyo kalsonida shacabka iyo qaabkale oo ah , iyo qaabkale oo ah ;
Kalsonida shacabka oo loo geeyay xidhidh koboc dhaqan dhaqale iyo hufnanta hoganku dalku u leeyahay fahman ka dhadhicinta  qadiyada umada uu hoganka u yahay beesha calamka .
Hadaba waxan ku cabiri doonaa Somaliland oo ahayd shamca kaliya ee ka ifaya mandaqada aan ku noolnahay mustaqbalkeda siyasadeed iyo waxa ka hor iman kara iyo siyabaha looga bixi kara ina ga oo qadan dona cabirka ah( measurment) mustaqbalka somaliland  ay tahay kalsonida shacabka oo loo geeyay maamulwanag ay la midtahay aqoonsi badhkii (half of recognition) taana macnahedu yahay geedigu wuu sii soconkaraa
 
Hadaba si taa aan u gu cabirno si dhab ah mamulka kulmiye ee manta talada dalka haya  waxan ku egi donaa ma haystaa kalsonidii shacabka taasoo asal u ahayd mamuladii ama xukuumahadihi dalku soo maray oo ay haysteen kalsonida shacabka iyo heerka maamul wanaag intee ayuu u jiraa
 
Mamulka Kulmiye ma haystaa kalsonida shacabka ?
 
kalsonida shacabka siyaba lagu helo waxa ugu horeya in maamulku ka fogaado wax kasta oo keeni kara Eex iyo guud ahan cadalad daro waxa kale oo lagu kasbada faham dhaqan siyasadee iyo horumarinta arimaha bulshada 
 
waxan qimanyn cad ku egaynaa oo marag madoon ah in maamulka silaanya madax da u yahay aanu soo dhisin dawlad loo simanyahay oo ka fog nin jeclaysi 
lakin ku caan baxday maamul ardaa qudha uu iska dhex arko haday tahay mansabyada wawayn ee laga go aamiyo dalkeena tasuna sababtay galbeed iyo bari in ismamulo laga dhawaaqo, dhinaca arrimaha bulshada wax uu qabtay wax ka yar 15% intii qorshuhu ahaa waxana ka mid aha oo ugu horeeyay wax yabaha laga filayay ladagalanka saboolnimada oo ay asal u tahay shaqo la aanta , oo keenta wax yabaha ugu wayn ee burburiya kalsonida umadu ku qabto hogankeda 
 
waxa laga filayay in uu la yimado mamulka kulmiye qorshe dhaqan dhaqale oo cad oo looga baxo saboolnimada baahsan ee dalka ka jirta tasoo ahayd in la helo maalgashi shisheeye qorsha ha uu ku badalayna uu yahay qorshaha qabyalada iyo qaybinta bulshada
 
La soco qaybta labaad
Qalinkii Prof.Abdirahman A.İbrahim
Wakilka UCİD Dalka Turkeyga 
Tell:00905532028571
Email:ucid_turey@hotmail.com