Muxuu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay tabashooyinkii Madax-dhaqameedka Beelaha Awdal ka uga gudbiyeen Saami-qaybsiga Dawladda?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi u xil-saaray u-kuurgelista iyo daraasaynta tabasho xambaarsan saluug dhinaca saami-qaybsiga hay’adaha dawladda ah oo madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Beelaha gobolka Awdal oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa qoraal ahaan ugu gudbiyeen.
Md Axmed Siilaanyo waxa uu digreeto uu maanta soo saaray ku magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo uu u wakiishay inay daraasad ku sameeyaan tabashooyinka madax-dhaqameedka Awdal si xog dhammaystiran iyo baadhis ugu sameeyaan cabashada deegaanka gobolka Awdal.

siilaanyoGuddiga Daarasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal ee madaxweynuhu magacaabay oo uu guddoomiye ka yahay Wasiirrada Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Digreetada madaxweynuhu ku magacaabay guddigan oo lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, waxa uu Md Siilaanyo ku xusay inay ka fursan wayday guddi heer wasiirro ah oo u xil-saaro tabashada loo gudbiyey si xaqiiqo-raadin loogu sameeyo dhinacyada cabashooyinku ka taagan yihiin.

“Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan,” sidaa ayuu madaxweynuhu ku yidhi digreetada uu ku magacaabay Guddiga ka kooban xubnaha wasiirrada ah ee uu u wakiishay xaqiiqo-raadinta tabashooyinka reer Awdal.

SOMALILANDPOST.NET