Muxuu Madaxweyne Muuse kala hadlay Wefti Dowladda Turkiga ka socda oo kulan la qaatay?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawlada Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada turkigu bixiyo in Somaliland wixii ay qayb u leedahay aanu u soo marin cid kale oo ay waxeeda gaar u hesho.