Muxuu Madaxweyne Muuse Biixi Kala Kulmay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa oo Maqalka Dhaliilihiisu ku faro-bateen? (Sawirro)

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa oo muddooyinkii u dambeeyey lagu dhaliilayey nidaamkiisa maamul.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka iyo siyaasiiyiin kale, ayaa siyaabo kala duwan u soo bandhigay dhaliilo maamul iyo wax-qabad oo ka jira madaarka, kuwaas oo soo bandhigay horumar la’aan ka jirta madaarka xilliyada cimilladu aanay wanaagsanayn oo ay sheegeen inaany jirin qorshe ama nidaam lagu wejaho oo diyaaraduhu ku soo degi karaan. Sidoo kale, maamullada shirkadaha diyaaradaha qaarkood, ayaa cabasho ka muujiyey madaarka.

Haddaba, markii uu saaka madaxweynuhu booqday madaarka waxa uu la kulmay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdi Rodol oo ay wehelinayaan maamulka iyo madaxda madaarka kuwaas oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey garoonka, waxana uu madaxweynuhu ugu horrayn kormeerkiisa ka bilaabay dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu mid mid u galay qolalka, hoolalka iyo dhammaanba xafiisyada shaqo ee madaarka iyo kadimada ay rakaabku kasoo galaan madaarka iyo kuwa laga dhoofo, waxana si hufan uga warbixiyey maareeyaha Hay’adda Duulista hawada iyo madaarrada Somaliland oo ku dheeraaday horumarka uu garoonku ku tallaabsatay iyo sida ay shaqaaluhu heeganka ugu jiraan shaqada qaranka.