Muxuu Madaxweyne Biixi ka yidhi Go’aanka Wakiilladu ku diideen Laba Xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka u metelaya Komishanka?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dareen-celiyey go’aanka ay Golaha Wakiillada maanta ku hor-joogsadeen labada xubnood ee Guddiga Doorashinka u metalaya xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan guddoomiyeyaasha labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada, waxa uu tallaabada golaha wakiillada ku tilmaamay go’aan lama filaan ah oo aan golaha looga fadhiyin, balse ay ku ixtiraamayaan maadaama oo ay waajibkooda shaqo guteen.

“Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa  ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay.

Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono hadday tahay axsaabta Qaranka, xukuumadda iyo Golaha Wakiillaba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo-qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland