Muxuu Guddoomiye Cirro kaga Jawaabay Shirka Wada-tashi ee Madaxweynuhu ugu baaqay Xisbiyada Mucaaradka?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa soo dhaweeyey Shir wada-tashi ah oo madaxweynaha Somaliland ugu soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah si heshiis looga gaadho muranka Siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, tallaabadaas oo labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ku gacan-saydheen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa sheegay in madaxweynuhu gogol wada-hadal oo muranka siyaasadeed lagu xalinayo u fidiyey Xisbiyada mucaaradka ah.

cirroHaddaba, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay shirka wada-tashi ee Madaxweynuhu ugu baaqay Mucaaradka, waxaanu sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan gogosha wada-hadal, balse waxa uu sheegay in ajandayaasha iyo waxyaabaha lagaga wada-hadlayo shirkaas ay wada-jir uga tashanayaan Xisbiga Mucaaradka ee UCID.

War-saxaafadeedka Cabdiraxmaan Cirro oo sidoo kale loogu mahad-celiyey beesha Caalamka ee danaysay nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Mabda’ ahaan, Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhaweynayaa Gogosha wada-hadalka iyo wada-tashiga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Fidiyey.

Waxa Xisbiga WADDANI aaminsan yahay in ay wax badani ugu hagaagayaan wada-hadalka Somaliland marka la eego marxaladda maanta la marayo.

Qaabka loo galayo wada-tashiga Qaran iyo Ajendayaasha laga hadlayo, waxaanu wada-tashi kala galaynaa Xisbiga aanu mataanaha nahay ee Mucaaradka ah ee UCID, hal-doorka iyo talo-qabeenka Somaliland.

wwWaxaanu mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah oo ka hirgala Somaliland wakhtiga Guddiga Doorashooyinku cayimay ee 1st June, 2016.

Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani waxay ku rejo-weyn yihiin, dal iyo debedba, in lagu guulaysan doono wada-hadalladaas,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Cabdiraxmaan Cirro.

War-murtiyeed maanta ka soo baxay xafiiska magaalada Hargeysa ee dowladda Ingiriiska oo ka wakiil ah beesha Caalamka ee taageerta nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in beesha caalamku walaac xooggan ka qabto go’aan Golaha Guurtidu Isniintii todobaadkan muddo kordhinta Sannad iyo 10 Biloodka ah ugu kordhiyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxaanay ku baaqeen in la laabto go’aankaas isla markaana wada-tashi deg-deg ah laga yeesho sidii loo suurto-galin lahaa Doorashinka oo lagu qabto xilliga Komishanka doorashooyinku u muddeeyeen oo ku beegan bisha June ee sannadka Dambe.

SOMALILANDPOST.NET